Paul Merson: Arsenal 6 Dhibcood Ayay Ku Qaban Kartaa Hogaanka Premier League Hadii…

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee England, Paul Merson, ayaa sheegay in Arsenal ay weli fursad u hayso inay lix dhibcood ka hormarto Manchester City tartanka horyaalka Premier League.

City ayaa hadda hoggaanka horyaalka qabata kadib guul ciriiri ah oo 1-0 ah oo ay ka gaareen Burnley habeenkii Arbacada.

Kooxda uu hoggaamiyo Pep Guardiola waxay Arsenal kaga sarreeyaan oo keliya tirada goolasha ay dhaliyeen, maadaama ay isku dhibco iyo isku farqi goolal ah leeyihiin.

Arsenal ayaa dib ula wareegi karta hoggaanka marka ay gurigeeda ku qaabbisho Newcastle United toddobaadkan dhammaadkiisa.

Kooxda uu tababaro Mikel Arteta sidoo kale waxay la ciyaari doontaa Fulham ka hor inta aysan City u safri doonin inay la ciyaarto Everton.

Merson, oo la hadlayay Sky Sports, ayaa yiri:“Si lama filaan ah, Manchester City ayaa hoggaanka horyaalka qabatay. Waa arrin cabsi leh”

“Laakiin Arsenal waxay ciyaari doontaa laba kulan ka hor inta aysan City ciyaarin, waxayna mar kale noqon karaan  kuwo lix dhibcood ka horeeya – waana inay ka faa’iidaystaan taas. Waa inay badsadaan labada kulan ee Newcastle iyo Fulham si ay cadaadiska ugu soo celiyaan City. Waa lama huraan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga