Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa shaaca ka qaaday in sida kaliya ee kooxdiisu ku hanan karto horyaalka Premier League ay tahay inay badiso dhammaan kulamada u haray.
Guardiola ayaa hoggaamiyay Man City oo 1-0 kaga adkaatay Burnley habeenkii Arbacada, taasoo ka dhigtay inay mar kale ku soo laabtaan hoggaanka horyaalka markii ugu horreysay tan iyo Agoosto.
Man City iyo Arsenal waxay leeyihiin min 70 dhibcood, isla markaana farqiga goolashoodu waa 37. Si kastaba ha ahaatee, kooxda Guardiola ayaa ku jirta kaalinta koowaad sababtoo ah waxay dhalisay 66 gool, halka Arsenal ay dhalisay 63 gool.
Isagoo la hadlayay warbaahinta shirkiisii jaraa’id kadib markii City ay ka adkaatay Burnley, Guardiola wuxuu yiri:“Hadda waxaan leenahay FA Cup, ka dibna waxaa noo harsan shan kulan”
“Fursadda kaliya ee aan ku hanan karno horyaalka waa inaan badinnaa dhammaan kulamadaas.”
Markii ugu dambeysay ee Manchester City ay ku guuleysato horyaalka Premier League waxay ahayd sannadkii 2023, xilligaas oo uu tababare ka ahaa Guardiola.
Be the first to comment