Xiddigaha Ugu Caawinta Badan Champions League Oo La Soo Saaray.

Ciyaartoyda Bayern Munich ee Michael Olise iyo Real Madrid ee Vinicius Junior ayaa ah kuwa ugu caawinta badan tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan ilaa hadda.

Olise iyo Vinicius labaduba waxay leeyihiin min 8 caawin.

Tani waxay timid kadib markii la soo gabagabeeyay kulamadii lugta labaad ee quarter-finalka ee la ciyaaray Arbacadii.

Waxaa xusid mudan in Bayern Munich ay ka adkaatay Real Madrid si ay u gaarto semi-finalka, halka Arsenal ay ka saartay Sporting CP tartanka.

Xiddigaha Sameeyay caawinta ugu badan Champions League 2025/26 ilaa hadda:

  • 8 Caawin– Michael Olise (Bayern Munich), Vinicius Junior (Real Madrid)
  • 5 Caawin– Pierre-Emerick Aubameyang (Marseille), Antoine Griezmann (Atletico Madrid), Achraf Hakimi (Paris Saint-Germain), iyo Khvicha Kvaratskhelia (Paris Saint-Germain).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga