Jamie Carragher Oo Magacaabay Kooxda Aan Ku Guulaysan Doonin Champions League.

Halyeeyga Liverpool, Jamie Carragher, ayaa beddelay saadaashiisii ku saabsaneyd UEFA Champions League.

Carragher markii hore wuxuu aaminsanaa in Arsenal ay gaari karto dhammaadka oo ay ku guuleysan karto koobka.

Laakiin inkastoo Gunners ay ka saareen Sporting CP si ay u gaaraan semi-finalka tartanka, haddana hadda ma aaminsana inay noqon karaan horyaal.

Arsenal ayaa la ciyaari doonta Atletico Madrid si ay ugu gudubto finalka, halka Paris Saint-Germain ay la ciyaari doonaan Bayern Munich.

Carragher ayaa ka yiri Arsenal isagoo la hadlay CBS Sports:“Ma hubo inay leeyihiin tayo ku filan dhanka weerarka”

“Ciyaarta aan hadda daawanay caawa, markaad eegto ciyaartoyda labada koox, Arsenal taas ma laha”

“Tani ma aha dhaliil, laakiin si fudud uma haystaan ciyaartoydaas weerarka, ma haystaan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga