
Gary Neville ayaa magacaabay hal koob oo aysan Liverpool ku guuleysan doonin iyagoo isha ku haya seddexleey cajiib ah.
Liverpool ayaa qarka u saaran mid ka mid ah Xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa ee taariikhda kooxda iyaga oo 15 dhibcood ku hogaaminaya premier League.
Reds ayaa ku dhameysatay kaalinta seddexaad ee xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay ee Jurgen Klopp ee Anfield, waxaana la filayay in uu qaab ciyaareedkoodu hoos u dhoco maadama tababare aan la garanayn loo dhiibay.
Laakiin Liverpool yaa hogaaminaysa premier League iyaga oo ku dhaw in ay ku guulaystaan premier League.
Liverpool ayaa sidoo kale isha ku haysa koobka premier League halka ay sidoo kale joogto final-ka Carabao cup-ka.
Neville ayaa rumaysan in ay Liverpool mar horeba ku guulaystay horyaalka sidoo kale ku guulaysan doonto koobka Carabao Cup-ka todobaadka dambe Laakiin waxa uu rumaysan yahay in aanay ku guulaysan doonin champions League.
“Waxa ay ciyaari doonaan kulamo waaweyn maalmaha soo ocda laakiin Waa war u fiican Liverpool”ayuu Neville yidhi.
“Liverpool way ku guulaysan doontaa premier League Iyo waliba Carabao cup-ka, laakiin kuma guulaysan doonaan champions League xilli ciyaareedkan”.
Be the first to comment