Slot Oo Dusha Laga Saaray Ganaax Laba Kulank Ah.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Arne Slot ayaa la kulmay ganaax iyada oo xidhiidhka FA-gu dusha ka saaray laba kulan oo ganaax ah.

Tababare Slot ayaa ugu dambayn qirtay dambiga uu galay kulankii Everton ee premier League.

Slot ayaa dusha laga saaray ganaax 2 kulan ah kadib kadib markii kaadhka cas loo taagay kulankii Everton.

Ganaaxa ayaa la macno ah in uu ka maqnaan doono kulanka Newcastle ee caawa iyo kulankooda xiga ee horyaalka premier League ee ay gurigooda kula ciyaari doonaan kooxda Southampton 8-da March.

Waxaa lagu eedeeyay in maamulaha Liverpool uu u dhaqmay si aan habooneyn ama u adeegsaday aflagaado Slot ayaa qirtay eedda.

Slot ayaa la arkayay isagoo gacan qaadaya garsoore Michael Oliver ka dib markii ay barbaro 2-2 ah la galeen Everton

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga