BREAKING:- Arsenal oo markan utartameysa Saxiix culus kahor inta uusan suuqa xirmin

Arsenal ayaa ka fiirsanaysa inay maalinta ugu dambeysa ee suuqa kala iibsiga u dhaqaaqdo xiddiga garabka uga ciyaara Lyon, Malick Fofana, iyadoo kooxda London ay raadineyso xoojin weerar, gaar ahaan garabka bidix, Warbixintan waxaa lagu daabacay 31-ka Agoosto 2026.

Fofana oo 21 jir ah ayaa ku jira liiska ciyaartoyda ay Arsenal u aragto inay xoojin karaan garabka bidix, waxaana maamulka kooxda uu ka fiirsanayaa inuu sameeyo dalab dambe ka hor inta uusan xirmin suuqa, Arsenal ayaa xagaagan lumisay Leandro Trossard, kaasoo ku biiray Besiktas, halka Gabriel Martinelli lagu wadaa inuu Arsenal uga tago heshiis ku kacaya £60 milyan oo uu ugu wareegayo Al-Hilal.

Kooxda ayaa xagaagii sidoo kale isku dayday inay la soo saxiixato Vinicius Junior oo Real Madrid ah si ay u xoojiso garabka bidix, balse qorshahaasi wuu fashilmay kadib markii ciyaaryahanka reer Brazil uu saxiixay heshiis cusub oo lix sano ah oo uu ku sii joogayo Real Madrid.

Arsenal waxay sidoo kale xiisaynaysay Morgan Rogers oo Aston Villa ah, laakiin ciyaaryahanka ayaa ugu dambeyn Chelsea ugu biiray £117 milyan.

Fofana ayaa Arsenal u noqon kara fursad ay ku kordhiso qoto-dheeraanta garabka bidix, ciyaaryahanka reer Belgium heshiiskiisa Lyon wuxuu socdaa ilaa 2028, waxaana warbixintu sheegaysaa inuu xilli ciyaareedkii hore dhaliyay laba gool 16 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Si kastaba, bilowga xilli ciyaareedkan ayuu qaab ciyaareedkiisu si weyn u soo jiitay indhaha, isagoo durba la simay tiradii goolashiisa xilli ciyaareedkii hore lix kulan oo uu ka ciyaaray Ligue 1 iyo isreeb-reebka Champions League.

Arsenal sidoo kale waxay ka shaqeynaysay heshiiska Julian Alvarez oo Atletico Madrid ah, laakiin arrintaasi waxay la kulantay caqabad, iyadoo xiddiga reer Argentina uu doorbidayo inuu ku biiro Barcelona halkii uu Arsenal u dhaqaaqi lahaa, dhanka kale, Atletico Madrid ayaan doonayn inay xiddigeeda weerarka ka iibiso kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga