DAAWO :- Saxiixa Cusub ee Barcelona oo hada ka dagay Magaalada Barcelona ?

Gabriel Jesus ayaa maanta gaaray magaalada Barcelona, isagoo u yimid inuu dhammaystiro ku biiristiisa kooxda reer Catalonia ee FC Barcelona.

Weeraryahanka reer Brazil ayaa Arsenal uga soo wareegaya heshiis ku kacaya €10 milyan oo lacag rasmi ah, iyadoo ay ku dari karaan €4 milyan oo gunnooyin ah, halka Arsenal ay sidoo kale heli doonto 20% saamiga iibkiisa mustaqbalka.

Jesus ayaa Barcelona u maraya baaritaanka caafimaadka iyo saxiixa heshiiska, wararku waxay sheegayaan inuu saxiixi doono heshiis ilaa Juun 2028, oo ay jirto ikhtiyaar lagu kordhin karo, arrinta indhaha lagu hayo ayaa ah taariikhdiisa dhaawacyada jilibka. Si kastaba, Jesus ayaa markii uu Barcelona yimid si kalsooni leh uga hadlay xaaladdiisa, isagoo yiri: “My knee? It’s perfect.” , oo ula jeeday dhaawaca jilibkiisa inuu yahay mid aad uwanaagsan.

Barcelona ayaa Jesus u aragta xoojin weerar oo muhiim ah, gaar ahaan kadib bixitaankii Robert Lewandowski iyo Ferran Torres. Tababare Hansi Flick ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inuu taageeray imaatinkiisa, iyadoo kooxda ay weli xiisaynayso Julián Álvarez mustaqbalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga