Zirkzee, Diaz, Sancho, Ten Hag, Branthwaite & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Liverpool ayaa ka fiirsanaysa in ay Man United ka afduubato saxiixa xiddiga kooxda Bologna ee Joshua Zirkzee. Tababaraha cusub ee Reds, Arne Slot, ayaa aad ula dhacsan weerarka (Caught Offside).

Man United ayaa dhinaceeda doonaysa in ay si deg-deg ah u dhamaystirto saxiixa xiddiga oo haatan Netherlands kala qayb galaya euro 2024 (Sky Sports).

Man United ayaa rajaynaysa in ay saxiixa Zirkzee u adeegsato lacagta ay ku iibinayso xiddiga Greenwood (I Sport).

Kooxda Chelsea ayaa Bayern Munich ku garaacday saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Marc Guiu (Fabrizio Romano).

Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab cusub ka gudbiso daafaca kooxda Everton ee jarrad Branthwaite (Liverpool Echo).

Man United ayaa rajaynaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato tababare Erik ten Hag ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub (ESPN).

Arsenal ayaa hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Johan Bakayoko (teamtalk).

Tababaraha Barcelona ee Hansi Flick ayaa Kooxda ka codsaday in ay u keenaan xiddiga Man United ee Jadon Sancho (Sport).

Liverpool ayaa diyaar u ah in ay u dhaqaaqdo saxiixa daafaca kooxda Geanoa ee Riccardo Calafiori (teamtalk).

Kooxda Liverpool ayaa ugu yaraan 70 milyan ka dalban doonta Barcelona hadii ay kooxda reer Spain doonayso axiixa ddiga Luiz Diaz (Mundo Deportivo).

Atletico Madrid ayaa Chelsea ka diiday dalabkii 3-aad ee ay Blues ku doonaysay saxiixa Samu Omorodion (various).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga