YAAB: Xiddig U Ciyaara Arsenal Oo Diiday In Uu U Ciyaaro Xulka Qarankiisa

Tababaraha Xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa sheegay in uu xiddiga Arsenal ee Ben White iska diiday in uu u ciyaaro xulka qarankiisa.

Southgate Ayaa maanta soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono xulalka Belguim iyo Brazil.

Xulka England ayaa isku diyaarinaya tartanka Euro 2024 kaas oo lagu qaban doono dalka Germany.

Southgate Ayaa Liiska xiddigaha xulka England ku soo daray xiddiga White laakiin xiddiga ayaa iska diiday in uu ciyaaro.

“Ben White ma uusan dooneynin in la doorto, waana ceeb weyn, waa ciyaaryahan aan jeclahay.”

“Waxaan u doortay tartamadii Euro iyo koobkii adduunka waxaan aad u danaynayay inaan doorto…”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga