10 Xiddig Oo Iska Diiday In Ay Matalaan Xulka Qaranka England.

Daafaca kooxda Arsenal ee Ben White ayaa diiday fursad uu ku matali lahaa England kulamada caalamiga ah ee soo socda laakiin ma ahan xiddigii ugu horeeyay ee sidaas sameeyay.

White ayaa udub dhexaad u ahaa kooxda Mikel Arteta ee Arsenal oo hadda ku fadhida hogaanka Premier League, iyadoo Liverpool kaga sareysa farqiga goolasha iyo hal dhibic oo ay ka sareeyaan Manchester City.

England ayaa kulamo saaxiibtinimo oo heer caalami ah la ciyaari doonta Brazil iyo Belgium iyadoo Gareth Southgate uu doonayo inuu ciyaartoyda siiyo fursad ay ku xaqiijiyaan booskooda EURO 2024.

Si kastaba ha ahaatee, White ayaa doortay inuu iska diido fursad uu ugu ciyaari lahaa xulka qarankiisa.

Hadaba Halkan kaga bogo xiddigaha horay isaga diiday in ay u ciyaaraan xulka qaranka England:

  1. Callum Hudson-Odoi
  2. Mason Greenwood
  3. Reece James
  4. Jude Bellingham
  5. Danny Drinkwater
  6. Tom Ince
  7. Michael Carrick
  8. Ben Foster
  9. Micah Richards
  10. Chris Sutton

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga