
Saacadihii hore ee Arbacada waxaa la soo gaba gabeeyay wareega 16-ka ee tartanka FIFA Club World Cup oo ka socday dalka Mareykanka kadib markii Borussia Dortmund ay 2-1 ku garaacday kooxda Monterrey.
Real Madrid ayaa xalay 1-0 kaga badisay Juventus, waxaana goolkan u dhaliyay Gonzalo Garcia.
Si kastaba ha ahaatee, ka hor wareega 8da ee dhacaya Jimcaha iyo Sabtida waxa la soo bandhigay xiddigaha ugu caawinta badan tartanka.
Xiddiga Chelsea ee Enzo Fernandez iyo xiddiga kooxda PSG ee Khvicha Kvaratskhelia ayaa ka mid ah xiddigaha ugu caawinta badan.
Waa kuwan liiska ciyaartoyda caawinta badan ka sameeyay FIFA Club World Cup 2025 ilaa hadda:
Marcos Acuna – 2 caawin
Karim Adeyemi – 2 caawin
Alberto Costa – 2 caawin
Enzo Fernandez – 2 caawin
Jorginho – 2 caawin
Orkun Kokcu – 2 caawin
Khvicha Kvaratskhelia – 2 caawin
Ruben Neves – 2 caawin
Michael Olise – 2 caawin
Gonzalo Plata – 2 caawin
Khefren Thuram – 2 caawin
Oliver Torres – 2 caawin
Vitinha – 2 caawin
Be the first to comment