Tababaraha Atlético Madrid, Diego Simeone, ayaa si cad u sheegay in Lionel Messi uu mudan yahay inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or-ka 2026, isagoo ka hormariyey xiddigaha sida Lamine Yamal iyo Kylian Mbappé.
Simeone ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka hadlayay kulanka Atlético Madrid ay la ciyaari doonto Osasuna, waxaana la weydiiyay cidda uu u arko inay tahay ciyaaryahanka ugu mudan abaalmarinta:- “Messi, shaki la’aan. Kadib Koobkii Adduunka ee uu ciyaaray, iyadoo la eegayo da’da uu joogo, shaki kuma jiro. Messi,” ayuu yiri Simeone.
Go’aanka Simeone wuxuu yimid kadib markii Lamine Yamal uu dhawaan sheegay in isaga iyo Kylian Mbappé ay yihiin labada ciyaaryahan ee ugu fiican adduunka waqtigan.
Si kastaba, Simeone wuxuu doortay Messi, isagoo si gaar ah u xusay qaab ciyaareedkii xiddiga reer Argentina ee Koobka Adduunka 2026. Messi oo markaas 39 jir ahaa ayaa Argentina ka caawiyay inay gaarto finalka Koobka Adduunka, inkastoo ay ugu dambeyn Spain kaga adkaatay ciyaarta kama dambaysta ah.
Simeone wuxuu aaminsan yahay in heerka Messi uu kusii joogay da’daas, gaar ahaan waxqabadkiisii Koobka Adduunka, uu sabab weyn u yahay inuu u arko inuu mudan yahay Ballon d’Or-ka.
Doodda abaalmarinta ayaa sidoo kale ku saabsan xiddigo kale oo ay ka mid yihiin Yamal, Mbappé, Rodri, Harry Kane iyo Ousmane Dembélé, balse Simeone ayaa si toos ah u muujiyay in Messi uu yahay doorkiisa koowaad.
Be the first to comment