Kooxda Chelsea ayaa guuldarro culus kala kulantay Brentford, kaddib markii looga adkaaday 3-0, kulan ka tirsanaa wareegga 5-aad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedka 2026/27, Chelsea oo uu hoggaaminayo tababare Xabi Alonso ayaa marti ugu ahayd Brentford garoonkeeda, balse waxay ku fashilantay inay wax gool ah ka dhaliso kooxda martida loo ahaa.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhammaatay 0-0, iyadoo Chelsea ay haysatay kubadda boqolkiiba 56%, halka labada kooxood ay min laba jeer bartilmaameedka toogteen, Brentford ayaa qeybtii labaad si weyn u cadaadisay Chelsea, waxaana daqiiqaddii 61-aad goolka koowaad u dhaliyay Gianluca Antony, kaasoo Brentford hoggaanka u dhiibay.
Chelsea ayaa isku dayday inay ciyaarta kusoo laabato, balse weerarkeeda ayaa ahaa mid aan wax badan soo kordhin, Daqiiqaddii 83-aad, Igor Thiago ayaa dhaliyay goolka labaad ee Brentford, taasoo xaaladda Chelsea ka dhigtay mid aad u adag.Markii ciyaartu ku dhoweyd dhammaadkeeda, daqiiqaddii 94-aad, Fabio Carvalho ayaa dhaliyay goolka saddexaad, isagoo xaqiijiyay guusha weyn ee Brentford.
Natiijadan ayaa Brentford siisay 9 dhibcood, iyadoo kooxdaasi kaalinta 3-aad kaga jirta horyaalka, Dhanka kale, Chelsea ayaa ku hartay 7 dhibcood, waxayna hadda ku jirtaa kaalinta 7-aad ee kala sarreynta Premier League,
Chelsea ayaa sidoo kale sii wadata natiijooyinkeeda liita ee horyaalka, iyadoo aysan guul gaarin tan iyo markii ay wareegga labaad ka adkaatay Brighton. Intaas kaddib waxay guuldarro kala kulantay Arsenal, halka ay barbaro la gashay Hull City, ka hor guuldarradii Brentford.
Xabi Alonso iyo Chelsea ayaa wajahaya cadaadis sii kordhaya, iyadoo kooxda London ay u baahan tahay inay si degdeg ah uga jawaabto natiijooyinkan haddii ay doonayso inay dib ugu soo laabato tartanka sare ee Premier League.
Be the first to comment