
Opta SuperComputer ayaa saadaaliyay cidda ku guulaysan doonta koobka kooxaha aduunka 2025 ka hor kulamada afar dhamaadka todobaadkan.
Chelsea, Fluminense, Palmeiras, Paris Saint-Germain, Al-Hilal, Bayern Munich, Real Madrid iyo Borussia Dortmund ayaa ah kooxaha ku haray tartanka.
Kulamada sideed dhamaadka waxa ay Chelsea la ciyaari doontaa Fluminense, halka Real Madrid ay la ciyaari doonto Borussia Dortmund.
Paris Saint-Germain ayaa wajihi doonta Bayern Munich.
Ciyaarta ugu danbeysa ee sideed dhamaadka waxa ay dhexmari doontaa kooxaha Fluminense iyo Al-Hilaal.
Opta ayaa u saadaalisay Chelsea (26.44%) in ay ku guulaysato koobka iyada oo ka horaysa kooxda ugu cadcad ee PSG (25.45%).
Real Madrid ayaa la siiyay fursad boqolkiiba 16.59 ah, halka Bayern Munich ay 14.78% fursad u haysato in ay ku guulaysato koobka kooxaha aduunka.
Be the first to comment