Xiddiga Lamine Yamal ee kooxda Barcelona ayaa ka hadlay arrinta takoorka iyo cunsuriyadda, isagoo sheegay inuu marar badan la kulmay falal cunsuriyadeed intii uu ku jiray xirfaddiisa kubadda cagta.
Yamal ayaa wareysi uu siiyay Movistar Plus+ ku sheegay in uu cunsuriyad la kulmay ku dhowaad kun jeer, isagoo xusay in mararka qaar dadka ay sameeyaan falal ama hadallo cunsuriyadeed iyaga oo aan xitaa ogaanin:- “Haa, kun jeer ayaan la kulmay cunsuriyad, Waxaan u arkaa in dad badan ay si dadban kuugu sameeyaan cunsuriyad iyaga oo aan garanayn, Waxaa jira hadallo, ficillo iyo xitaa muuqaallo indhaha ah oo xambaarsan dabeecad cunsuriyadeed.”
Yamal ayaa sidoo kale xusay dhacdo hore oo ka dhacday garoonka Santiago Bernabéu, kaddib markii muuqaal lagu arkay taageere isaga si aflagaado ah ugu tilmaamaya midabkiisa.
17-jirkan ayaa sheegay inuusan doonayn inuu qofkaasi ka xanaajiyo, balse wuxuu caddeeyay in hadalka loo adeegsaday ujeeddo aflagaado ah uu yahay fal khaldan, “Anigu waxaan ahay qof madow, mana ihi midab maqaarka oo keliya. Qofka hadalkaas wuxuu u adeegsaday inuu i aflagaadeeyo, sidaas darteed ficilkaasi waa khalad.”
Xiddiga Barcelona ayaa sidoo kale sharaxay sida uu ula tacaalo aflagaadada iyo cunsuriyadda uu la kulmo, “Ma doonayo inaan naftayda geliyo xaalad aan aad u xanaaqo sababtoo ah waa la i aflagaadeeyay, Dhanka kale, taageere ayaa lacag bixiyay si uu tigidh ugu iibsado oo uu ciyaartayda u daawado.”
Yamal ayaa xilli ciyaareedkan sidoo kale ka mid ah ciyaartoyda sida weyn loogu loollamayo abaalmarinta Ballon d’Or, iyadoo uu tartanka kula jiro xiddiga Real Madrid, Kylian Mbappé.
Be the first to comment