
Ciyaaryahanka Fulham, Willian, ayaa saadaaliyay kulanka wareega 8da ee koobka kooxaha aduunka ee FIFA Club World Cup oo dhexmari doona Chelsea iyo Palmeiras.
Chelsea ayaa la ciyaari doonta Palmeiras kulanka 8-da ugu dambeeya ee ka dhici doona Lincoln Financial Fieldon ee dalka Maraykanka sabtida.
Blues ayaa u soo baxday wareega 8da ka dib markii ay 4-1 kaga badiyeen Benfica wareega 16ka halka Palmeiras ay 1-0 kaga badisay Botafogo.
Isagoo saadaaliyay, Willian, ciyaaryahankii hore ee Chelsea, ayaa ku taageeray Blues inay garaacdo kooxda reer Brazil una gudubto semi-finalka.
“Waxaan u maleynayaa in [Chelsea vs Palmeiras] ay noqon doonto kulan aad loogu loolamo,” .
“Dabcan, iyadoo ku xiran sida ay wax u socdaan, sida haddii uu jiro gool hore, waxay noqon kartaa mid aad u raaxo badan Chelsea”.
Be the first to comment