Xavi Oo Hal Shardi Ku Xidhay Maamulka Barcelona Si Uu U Sii Ahaado Tababaraha Kooxda.

Warbixin ka soo baxday saxaafada Spain ayaa lagu sheegay in tababaraha Barcelona Xavi Hernandez laga yaabo inuu sii ahaado tababaraha cusub ee kooxda Barcelona.

Xavi ayaa horay ugu dhawaaqay inuu baxayo dhamaadka xili ciyaareed kaan.

Sida laga soo xigtay wargeyska Catalan ee Mundud Deportivo, maamulka Barcelona ayaa doonaya in Xavi uu sii joogo ilaa xagaaga 2026.

Wargayska ayaa intaa ku daray in Xavi uu maamulka kooxdiisa ku xidhay shardi ah in ay si xoogan suuqa u gasho si uu u dhiso kooxda ka hor xilli ciyaareedka dambe.

Maamulka Barcelona ayaa si cad u sheegay marar badan in ay doonayaan in uu Xavi sii ahaado tababaraha kooxda wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Laakiin Xavi ayaa ku adkaystay in uu isaga tagayo kooxda isla markaas uuna badali doonin go’aankiisa wax walba oo dhaca.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga