Jamal Musiala, 23 jirka Bayern Munich iyo xiddiga xulka Jarmalka, ayaa si rasmi ah uga hadlay xaalad caafimaad oo la xiriirta hab-dhiska neerfaha, kadib markii uu laba jeer garoonka ugu dhacay muddo afar maalmood gudahood ah.
Musiala ayaa sheegay inuu la kulmay waxa loo yaqaan “absence seizures”, oo ah dhacdooyin gaagaaban oo qofka ku keeni kara inuu muddo kooban miyirkiisa ama feejignaantiisa waayo.
Musiala ayaa markii ugu horreysay xaaladdan la kulmay kulankii RB Leipzig, halka dhacdadii labaad ay timid afar maalmood gudahood kulankii Heidenheim, labada jeerba waxaa garoonka looga saaray isagoo xaaladdiisu dib ugu soo noqotay caadi.
Kulankii Leipzig, Ismael Saibari iyo Joshua Kimmich ayaa si degdeg ah ugu soo gurmaday Musiala, iyagoo qabtay si uusan si xun dhulka ugu dhicin, Musiala waxa uu yiri :- “Waan fiicanahay”, Musiala ayaa taageerayaashiisa u diray fariin dejin ah, isagoo sheegay: “Waan fiicanahay.”
Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay taageerayaasha dhammaan fariimaha, ducada iyo taageerada ay u direen , xiddiga Bayern Munich ayaa sheegay inuu helayo daryeel caafimaad oo wanaagsan, isla markaana uu aad ugu rajo weyn yahay soo kabashadiisa.
Musiala wuxuu sheegay in Bayern Munich, qoyskiisa iyo saaxiibbadiis ay si weyn uga taageerayaan xaaladdan.
Dhakhaatiirta neerfaha ayaa sidoo kale u oggolaaday inuu sii wato nolol maalmeedkiisa caadiga ah isla markaana uu diiradda saaro kubadda cagta.
Musiala wuxuu sheegay inuusan hadda arkin khataro caafimaad oo dheeraad ah, balse uu si joogto ah ula xiriirayo khubarada caafimaadka.
Be the first to comment