Xabi Alonso Oo Loo Sheegay In Uu Caawiye Ka Dhigto Xiddig U Ciyaara Liverpool Hadii Uu Klopp Ka Badalo Liverpool

Xabi Alonso ayaa loo sheegay in uu xiddig Liverpool ah ka dhigo tababare/ciyaartoy hadii uu klopp ka badalo booska tababaranimo ee kooxda Liverpool.

Bishii hore Jurgen Klopp ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu ka tagayo shaqada tababaranimo ee Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan, sagaal sano ka dib markii uu qabtay shaqada ugu sareysa ee Anfield.

Tababaraha reer Germant ayaa Liverpool ku hogaamiyay afar koob oo waaweyn oo uu ku jiro koobkii ugu horeeyay ee ay kooxdu qaado 30 sano kadib markii ay hore u qaadeen horyaalka premier league.

Klopp ayaa ka tagi doona kabo aad u waaweyn si uu u buuxiyo, Xabi Alonso ayaana loo arkaa bedelka saxda ah.

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ayaa si fiican u yaqaan Liverpool shantii sano ee uu ku sugnaa Anfield intii u dhaxeysay 2004 iyo 2009 waxana uu garanayaa dhaqanka kooxda.

Xabi ayaa loo sheegay in uu tababare/ ciyaaryahan ka dhigto Xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara

Xiddiga khadka dhexe ayaa ku dhibtaadooday dhaawacyo kala duwan xilli ciyaareedkan isaga oo aan kulamo badan u ciyaarin kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga