FADEEXAD WEYN Laipzig oo Beenisay Heshiiska Diomande iyo Real Madrid kuna Maadeysatay Fabrizio Romano

Kooxda RB Leipzig ayaa markii ugu horreysay ka hadashay wararka sheegaya in xiddigeeda Yan Diomande uu ku sii jeedo Real Madrid, iyadoo beenisay in labada dhinac ay gaareen heshiis kama dambeys ah.

Agaasimaha ciyaaraha Leipzig, Marcel Schäfer, ayaa sheegay in ilaa hadda uusan jirin wax heshiis rasmi ah oo dhex maray kooxda Jarmalka iyo Real Madrid, inkastoo warar badan ay sheegayeen in dhammaan shuruudihii la isku afgartay.

Schäfer ayaa sidoo kale si kaftan leh u dhaliilay wariyaha caanka ah ee suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano, kaasoo dhowr jeer sheegay in Diomande uu ku biirayo kooxda boqortooyada Spain.

“Waxaa jira dad isu arka khubaro suuqa kala iibsiga ah oo maalmo ka hor sheegay in heshiisku dhammaaday. Taasi sax ma aha, weli heerkaas ma aanan gaarin,” ayuu yiri Schäfer oo la hadlay Sky Sports.

Dhanka kale, warar kale ayaa tilmaamaya in caqabad sharci iyo mid wakiillo ay dib u dhigi karto heshiiska. Khilaaf ayaa la sheegay inuu u dhexeeyo shirkadda hadda matasha Diomande ee Roc Nation iyo shirkaddii hore ee ciyaaryahanka ee MaxiDeal Management, taasoo saameyn ku yeelan karta dhammaystirka wareejinta.

Si kastaba ha ahaatee, haddii Diomande uu ugu dambeyn ku biiro Real Madrid, waxaa la filayaa in qiimaha heshiiska uu ka badan doono 100 milyan oo Yuuro, taasoo ka dhigi doonta mid ka mid ah saxiixyada ugu qaalisan ee xagaagan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga