WAR CULUS :- Man utd oo wadnaha lajaray saxiix ay la raadinayeen oo lagula dhagay !

Kooxda Newcastle United ayaa lagu soo waramayaa inay daneyneyso saxiixa khadka dhexe ee Bournemouth, Tyler Adams, kaasoo maalmihii la soo dhaafay sidoo kale lala xiriirinayay Manchester United.

Sida uu qoray Football Insider, Manchester United ma qorsheyneyso inay u dhaqaaqdo Tyler Adams xagaagan, inkastoo magaca ciyaaryahanka lala xiriiriyay kooxda Old Trafford.

Dhanka kale, Newcastle ayaa si dhab ah u raadineysa xoojin cusub oo khadka dhexe ah, kadib markii ay Sandro Tonali ka iibisay Tottenham Hotspur, iyadoo sidoo kale uu weli jiro shaki ku saabsan mustaqbalka Bruno Guimarães.

Tyler Adams ayaa hadda noqday mid ka mid ah bartilmaameedyada Newcastle, iyadoo kooxda ay dooneyso inay buuxiso boosaska ka bannaan khadka dhexe ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Ilaa iyo hadda ma jiro dalab rasmi ah oo Newcastle u dirtay Bournemouth, balse xiisaha kooxda ee xiddiga Mareykanka ayaa sii kordhaya.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga