ALALAASKA BAXAYAA WAA AROOSKIINEE RONALDO & Georgina Rodríguez oo ugu dambeyn isguursanaya ,=……

Xiddiga reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u guursado gacalisadiisa muddada dheer Georgina Rodríguez, iyadoo warar isa soo taraya ay sheegayaan in arooskooda lagu qaban doono jasiiradda Madeira, oo ah halkii uu Ronaldo ku dhashay kuna soo barbaaray.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in Cathedral of Funchal, oo ah kaniisadda ugu weyn magaalada Funchal, loo sii qabsaday xaflad aroos oo weyn oo la qorsheeyay Sabtida soo socota, iyadoo xafladdu la filayo inay bilaabato 3:00 galabnimo.

Ronaldo oo 41 jir ah ayaa ku koray magaalada Funchal, halka Georgina Rodríguez oo 32 jir ah ay tahay moodel asal ahaan kasoo jeeda Spain iyo Argentina.

Sidoo kale, wararku waxay tilmaamayaan in lamaanuhu ay qabsadeen hudheelka raaxada leh ee Savoy Palace si loogu qabto cashada iyo soo dhaweynta martida. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in laba dabaq oo hudheelka ka mid ah iyo qaybo ka mid ah baararka la xiri doono Jimcaha iyo Sabtida si loogu diyaar garoobo munaasabadda.

Cristiano Ronaldo iyo Georgina Rodríguez ayaa is bartay sanadkii 2016, waxaana la sheegay inuu Ronaldo si rasmi ah uga dalbaday guur Agoostadii sannadkii hore.

Toddobaadkii la soo dhaafay, lamaanaha ayaa lagu arkay jasiiradda Majorca iyagoo xiran faraantiyo dheeman ah, taasoo sii xoojisay wararka sheegaya in arooskoodu uu aad u dhow yahay.

Ronaldo ayaa hore u sheegay inuu qorsheynayay inuu guursado Georgina marka uu dhammaado Koobka Adduunka, inkastoo Portugal laga reebay tartanka, halka Spain ay ugu dambeyn ku guuleysatay koobka.

Wareysi hore ayuu Ronaldo ku yiri:

“Waxaan rajeynayaa inaan arooskayga tago anigoo sita koobka horyaalka.”

Waxa uu sidoo kale sheegay in Georgina Rodríguez ay tahay haweeneydii keliya ee uu la yeeshay xiriir uu dareemay inuu doonayo inuu noloshiisa inteeda kale la wadaago.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga