Supercomputer Oo Saadaaliyay Fursadaha Kooxaha Premier League Ee U Soo Bixista Champions League

Rajada Man Unite ee ku dhamaysiga booska champions League ayaaa fiicnaatay kadib marki ay garaaceen Aston Vill laakiin saadaasha ayaa wali ka soo hor jeeda.

Xiddigaha Rasmus Hojlund & Scott McTominay ayaa United ka caawiyay in ay garaacdo Aston Villa iyaga oo ku dhawaaday kooxaha ay la tartamayaan.

Laakiin Aston Villa ayaa wali gacanta ku haysa arinta hadii laga hadlayo u soo bixista champions Leageu.

Waxa ay 5 dhibcood ka horeeyaan United waxana ay ku tartamayaan ku dhamaysiga tartanka 4-ta boos ee ugu saraysa horyaalka premier League.

Kooxaha Liverpool, Man City iyo Arsenal ayaa la hubaa in ay ka ciyaari doonaan champions League xilli ciyaareedka soo socda marka la eego in ay ku tartamayaan horyaalka.

Tottenham ayaa 57.9% fursad ugu haysata in ay ku dhamaysato kaalinta 4-aad ee loogu soo boxo halka ay Aston Villa u haysato 36.5%.

Man United ayaa haysata 5% fursad ay ugu soo bixi karto champions League taas oo ay rajadeedu aad u hoosayso.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga