Manchester United ayaa la sheegay inay diyaarinayso dhaqdhaqaaqyo waaweyn oo la xiriira suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay muujinayaan in kooxda Old Trafford ay bartilmaameedsanayso xiddigo cusub isla markaana ay wajahdo xiiso uga imaanaysa kooxo kale.
Wararka ayaa sheegaya in Manchester United ay ka fiirsanayso inay dalab lama filaan ah u gudbiso da’yarka Arsenal Myles Lewis-Skelly.
Ciyaaryahanka ayaa ka mid ah hibada ugu waaweyn ee Arsenal, waxaana haddii heshiiskan uu dhaco uu noqon doonaa mid si weyn u hadal-hayn abuura maadaama labada kooxood ay yihiin xafiiltan taariikhi ah.
Be the first to comment