SUUQA & MAANTA :- Saxiixyadii ugu dambeeyey & Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

Detailed view of the Sport section of a pile of National newspapers including The Times, The Sun and the Daily Mirror

Salaan dhammaan ku soo dhowaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Wararka ugu waaweyn ee maanta waxaa hoggaaminaya Arsenal, oo si weyn ugu dhow inay la soo wareegto khadka dhexe ee Newcastle, Bruno Guimarães.

Arsenal oo aad ugu dhow Bruno Guimarães

  • Arsenal iyo Newcastle ayaa wada-hadallo toos ah ka leh heshiiska Bruno Guimarães.
  • Newcastle ayaa la sheegay inay hadda u furantay iibinta ciyaaryahanka, inkastoo ay horay uga biyo diidi jireen.
  • Labada kooxood waxay hadda ka wada hadlayaan qiimaha lagu heshiinayo.
  • Arsenal waxay kalsooni weyn ka qabtaa in heshiiska la dhammaystiri karo maalmaha soo socda.
  • Bruno Guimarães ayaa hore ula gaaray Arsenal heshiis shaqsiyadeed (personal terms).
  • Ciyaaryahanka ayaa aad u doonaya inuu ku biiro Arsenal.
  • Tababare Mikel Arteta ayaa muddo dheer taageere u ahaa Bruno, wuxuuna u arkaa xiddigga ugu habboon ee lagu xoojin karo khadka dhexe.
  • Wariyuhu wuxuu caddeeyay in Bruno uusan beddel u ahayn Martin Zubimendi, isla markaana labada ciyaaryahan ay doorar kala duwan leeyihiin.

Chelsea oo dalab cusub ka gudbisay Pep Chavarría

  • Chelsea ayaa dalab cusub u dirtay kooxda Rayo Vallecano si ay ula soo saxiixato daafaca bidix Pep Chavarría.
  • Wada-hadallada labada kooxood ayaa weli socda.
  • Heshiisku wuu adkaa toddobaadyadii la soo dhaafay, balse Chelsea waxay hadda rajo weyn ka qabtaa inuu guuleysto.
  • Pep Chavarría ayaa isaguna doonaya inuu ku biiro Chelsea.
  • Ciyaaryahanka ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray Chelsea.

João Pedro oo qandaraas cusub u saxiixaya Chelsea

  • Chelsea mar kale waxay caddeysay in João Pedro aanu iib ahayn.
  • Inkastoo Barcelona ay xiiseynaysay, Chelsea gabi ahaanba ma aysan dooneyn inay iibiso.
  • Waxaa la gaaray heshiis afka ah oo ku saabsan qandaraas cusub.
  • Qareennada labada dhinac ayaa dhammaystiraya dukumiintiyada.
  • João Pedro ayaa saxiixi doona heshiis soconaya ilaa Juun 2033.
  • Mushaharkiisa ayaa si weyn loo kordhin doonaa.
  • Chelsea waxay fariin u dirtay kooxaha kale inay doonayaan inay sii haystaan xiddigahooda ugu muhiimsan.

PSG oo isbeddel weyn ku sameynaysa kooxda

PSG waxay qorsheyneysaa iib iyo saxiixyo badan:

Ciyaartoyda baxaya:

  • Gonçalo Ramos.
  • Kang-in Lee.
  • Ibrahim Mbaye.

Ciyaartoyda imanaya ama bartilmaameedka ah:

  • Magnus Akliouche oo ka imanaya Monaco, heshiis ku dhow €50 milyan.
  • Mika Godts oo Ajax ka tirsan.
  • Ferran Torres oo Barcelona ah.

Ferran Torres iyo Barcelona

  • PSG waxay wada-hadallo la leedahay wakiillada Ferran Torres.
  • Barcelona ma rabto inay iibiso Ferran Torres.
  • Kooxdu waxay rumeysan tahay inuu muhiim u yahay qorshaheeda.
  • Kaliya haddii Ferran Torres uu codsado bixitaan ayay Barcelona ka fiirsan doontaa heshiis.

Yan Diomande oo ku sii jeeda Real Madrid

  • Yan Diomande maanta kama uusan ciyaarin kulankii saaxiibtinimo ee kooxdiisa.
  • Sidoo kale uma safrin xerada tababarka ee Austria.
  • Kooxdiisa waxay sheegtay inuu xanuunsan yahay.
  • Wariyuhu wuxuu sheegay in heshiiska afka ah ee Real Madrid la gaaray tan iyo toddobaadkii hore.
  • Waxa keliya ee harsan waa in kooxdiisu hesho beddelkiisa.
  • Marka taas la dhammaystiro, Yan Diomande ayaa u safri doona Madrid si uu u maro baaritaanka caafimaadka uguna biiro Real Madrid.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga