Tababaraha cusub ee Chelsea, Xabi Alonso, ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay sababta uu u aqbalay inuu qabto shaqada Stamford Bridge, isagoo sheegay in go’aankaasi uu ka yimid maskaxdiisa iyo qalbigiisa labadaba.
Alonso, oo wareysi ku bixiyay magaalada Sydney ee dalka Australia, ayaa sheegay inuu rumeysnaa in waqtigu ku habboonaa isaga iyo Chelsea, isla markaana uu arkay fursad weyn oo uu kooxda ku gaarsiin karo heer cusub.
“Waxay ahayd go’aan ka yimid maskaxdayda iyo dareenkayga, Waxaan arkay in waqtigu ku habboon yahay kooxda iyo anigaba,Chelsea waa koox leh tayo badan, xaaladdeeduna ma ahayn mid u xun sida dadku u maleynayeen dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore,” ayuu yiri Alonso.
Tababaraha reer Spain ayaa sheegay in kooxdu leedahay awood ay ku horumarto, isla markaana isaga iyo shaqaalihiisu ay durba bilaabeen qiimeyn iyo isbeddello lagu dhisayo mustaqbalka kooxda.
Alonso ayaa noqday tababarihii shanaad ee Rasmi ah ee Chelsea tan iyo markii kooxda ay la wareegeen milkiilayaasha BlueCo, wuxuuna rajeynayaa inuu jebiyo dhaqankii tababarayaasha muddo gaaban ku ekaan jiray Stamford Bridge.
Muddo kooban gudaheed, Alonso wuxuu durba kasbaday ixtiraamka ciyaartoyda Chelsea, Wararka gudaha kooxda ayaa sheegaya in ciyaartoy badan ay ku faraxsan yihiin la shaqeynta halyeeyga reer Spain, iyagoo ku tilmaamay shaqsi sumcad weyn ku leh kubadda cagta, kana soo hooyay guulo waaweyn ciyaaryahan ahaan iyo tababare ahaan.
Xabi Alonso ayaa intii uu ciyaaryahan ahaa ku guuleystay 17 koob oo waaweyn, halka tababarenimadiisana uu horey ugu hantiyay saddex koob, isagoo hadda doonaya inuu guulahaas ka sii wado Chelsea.
Tababaraha cusub wuxuu carrabka ku adkeeyay in mudnaanta ugu weyn ay tahay dhismaha dhaqan cusub oo kooxda dhexdeeda ah, isagoo sheegay in koox guuleysata aysan ku dhisneyn xirfad oo keliya, balse ay u baahan tahay isku dheelitirnaan u dhexeysa ciyaartoyda da’da yar iyo kuwa waayo-aragga ah.
Si taas loo xaqiijiyo, Chelsea ayaa xagaagan qaaday tallaabo ka duwan sanadihii hore, iyadoo lasoo saxiixatay weeraryahanka Danny Welbeck oo 35 jir ah iyo kabtankii hore ee Liverpool Jordan Henderson oo 36 jir ah. Labadan ciyaaryahan ayaa la filayaa inay kooxda ku soo kordhiyaan hoggaamin, khibrad iyo deganaansho gudaha qolka labiska.
Alonso ayaa aaminsan in isku darka tayada, khibradda iyo dhaqanka wanaagsan uu yahay furaha dib loogu soo celin karo Chelsea tartanka horyaallada iyo koobabka waaweyn xilli ciyaareedka cusub.
Be the first to comment