Weeraryahanka cusub ee Chelsea, Danny Welbeck, ayaa sheegay inuu kooxda ugu biiray hal ujeeddo oo cad, taasoo ah ku guuleysiga koobab iyo qorista taariikh cusub.
Welbeck ayaa sheegay inuu si weyn ula dhacay falsafadda kooxda Chelsea, isagoo rumeysan inay tahay meel ku habboon horumarkiisa iyo inuu noqdo ciyaaryahan ka wanaagsan sidii hore.
“Waxaan Chelsea u imid inaan ku guuleysto koobab, taasi waa sababta aan u doortay kooxdan, falsafadda kooxda aad ayay ii soo jiidatay, maalin kasta waxaan rabaa inaan horumar sameeyo oo aan noqdo ciyaaryahan ka wanaagsan kii aan shalay ahaa.”
Sidoo kale, Welbeck ayaa tilmaamay in taariikhda weyn ee Chelsea ay ahayd mid ka mid ah sababihii ugu waaweynaa ee uu ugu wareegay kooxda.
“Chelsea waa koox leh taariikh weyn oo guulo badan gaartay. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan qayb ka noqdo kooxda, waxaana rajeynayaa inaan taageerayaasha u horseedo guulo iyo koobab.”
Welbeck ayaa hadda bilaabaya bog cusub oo xirfaddiisa ah, iyadoo taageerayaasha Chelsea ay rajo weyn ka qabaan inuu door muhiim ah ka ciyaaro xilli ciyaareedka cusub.
Be the first to comment