“Xaaskaygu waxay leedahay waad waalan tahay!” – Guardiola & Ibrahimovic oo ka falceliyay sheekada cusub ee haaland

Xiddiga reer Norway ee Erling Haaland ayaa si lama filaan ah uga yaabiyay taageerayaasha kubadda cagta kadib markii uu iska jaray timihii dhaadheeraa ee caanka ku ahaa, isagoo qaatay timo aad u gaaban ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Haaland ayaa isbeddelkan ku shaaciyay baraha bulshada, isagoo soo bandhigay sawirro muujinaya habka uu timaha u jarayay, waxaana uu ku qoray hadal kooban: “Timo gaaban, dan kama lihi.”

Laakiin Haaland kuma ekaan inuu taageerayaasha ka yaabiyo muuqaalkiisa cusub. Wuxuu go’aansaday inuu duubo falcelintii ugu horreysay ee qaar ka mid ah saaxiibbadiisa iyo tababarayaashii uu soo maray, isagoo kula xiriiray muuqaal toos ah oo uu ku daabacay YouTube.

GUARDIOLA OO QOSOL LA DHACAY

Qofkii ugu horreeyay ee Haaland la xiriiray wuxuu ahaa tababarihiisii hore ee Pep Guardiola, Markii Guardiola uu arkay muuqaalka cusub ee Haaland, wuxuu markiiba bilaabay inuu qoslo, isagoo ciyaaryahanka ku kaftamay:- “Nasiib baad leedahay inaad timo leedahay! Waxaan jeclaan lahaa inaan aniguba sidaas oo kale yeesho.”

Haaland ayaa sidoo kale Guardiola weydiiyay haddii uu kubadda cagta daawanayay, waxaana tababaraha reer Spain uu tilmaamay telefishanka isagoo sheegay inuu daawanayay ciyaartii Brentford iyo Tottenham.

Guardiola ayaa markaas Haaland ku dejiyay kaftan kale, isagoo yiri haddii uusan timaha cusub jeclaan, uusan walwalin, sababtoo ah timuhu mar kale ayay soo kori doonaan.

IBRAHIMOVIC: “XAASKAYGU WAXAY LEEDAHAY WAAD WAALAN TAHAY!”

Waxaa sidoo kale Haaland xiriir muuqaal ah la sameeyay halyeeyga reer Sweden Zlatan Ibrahimović, kaasoo si gaar ah u fahmi kara muhiimadda timaha dhaadheer, maadaama ay qayb ka ahaayeen muuqaalkiisii caanka ahaa.

Ibrahimovic ayaa markii uu arkay Haaland muuqaalkiisa cusub si yaab leh u weydiiyay: -“Waa maxay tani? Sharad ma lumisay mise?”

Kadib wuxuu ku daray kaftan kale oo qosol badan: “Xaaskaygu waxay leedahay waad waalan tahay!”

Qofkii saddexaad ee Haaland la xiriiray wuxuu ahaa saaxiibkiisii hore iyo xiddigii Jack Grealish, Grealish wuxuu noqday qofkii ugu toosnaa ee ka falceliya timaha cusub, isagoo markii uu arkay Haaland si weyn u qoslay, kadibna yiri: “Waxaad u egtahay qof 10 jir ah, Ilaahayow!”

Sidaas darteed, timo-jaristii Haaland waxay isu beddeshay sheeko qosol badan oo ay ka qayb qaateen Guardiola, Ibrahimovic iyo Grealish.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga