WARBIXIN: Sávio, Yoro, Morata, Zirkzee, & Saxiixyada La Dhamaystiray Suuqa Xagaaga.

waxa si Rasmi ah u dhamaaday horyaalada kala duwan ee yurub waxana la bilaabay dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga.

Kooxaha kala duwan ee adduunka ayaa rajaynaya in y dhamaystiraan saxiixyada sida ugu dhakhsaha badan ka hor int aanay bilaaban isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Suuqan ayaa durba ku bilowday tababarayaasha iyada oo ay kooxo la soo saxiixdeen tababarayaal cusub.

Hadaba warbixintan si joogto ah ugala soco heshiisyada dhaca:

Sávio -> Man City

Kooxda Man City ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Sávio.

Sávio ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Man City inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Man City ayaa xaqiijisay in uu Sávio qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu kula joogi doono kooxda Man City.

Xiddiga Sávio ayaa Man City ugu soo biiray lacag dhan 25 milyan oo euro iyo 15 milyan oo Guno ah.

Leny Yoro -> Man United:

Kooxda Man United ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Leny Yoro.

Man United ayaa Leny Yoro kala soo wareegtay kooxda Lille iyada oo ka dhigtay saxiixeedii ugu dambeeyay ee xagaaga.

Red Devils ayaa saxiixa xiddiga Leny Yoro ku garaacday Real Madrid kuwaas oo uu doonayay in uu ku biiro.

Joshua Zirkzee -> Man United:

Man United ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga kooxda Bologna ee Joshua Zirkzee kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay.

Kooxda Man United ayaa bixin doonta wax ka badan 40 milyan oo euro kadib markii ay heshiis la gaadhay kooxda Bologna.

Xiddiga Joshua Zirkzee ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo ku eg ilaa sanadka 2029 iyo hal sano oo dheeri ah.

Alvaro Morata -> Ac Milan:

Kooxda Ac Milan ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Álvaro Morata.

Ac Milan ayaa bixisay lacagtii lagu bur-burinayay heshiiskiisa kooxda Ac Milan oo ahayd 13 milyan oo euro.

Morata ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la galay kooxda Ac Milan isaga oo ogolaaday heshiis wakhti dheer ah.

Joao Palhinha -> Bayern Munich:

Kooxda Bayern Munich ayaa ku dhawaaqday saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Fulham ee Joao Palhinha kaas oo u saxiixay heshiis ilaa 2028 ah.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal, oo 33 kulan u saftay kooxda Marco Silva ee Premier League xilli ciyaareedkii hore, ayaa u wareegay Bundesliga ku dhawaad ​​hal sano kadib markii uu bur-buray heshiiskii uu ugu biirayay kooxda.

ku biiray kooxda ka dhisan galbeedka London sanadkii 2022 isagoo ka yimid Sporting Lisbon, waxaana uu haatan ka hoos ciyaari doonaa tababaraha cusub ee Bayern Vincent Kompany.

Khéphren Thuram -> Juventus

Kooxda reer Talyaani ee Juventus ayaa ku dhawaaqday saxiixa Khéphren Thuram oo ay kala soo wareegtay kooxda Nice.

Juventus ayaa Khéphren Thuram ka saxiixatay heshiis 5 sano ah oo uu kooxda ku joogi doono ilaa sanadka 2029.

David Raya -> Arsenal:

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in ay si Toos ah ula wareegtay Goolhaye David Raya.

Arsenal ayaa David Raya ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

David Raya ayaa Arsenal ku soo qaatay Amaah xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Arsenal ayaa David Raya ka saxiixatay heshiis wakhti fog oo uu kula joogi doono kooxda.

Marc Guiu -> Chelsea:

Kooxda Chelsea ayaa xaqiijisay saxiixa weeraryahanka Marc Guiu oo ay kala soo wareegtay kooxda Barcelona.

Chelsea ayaa Marc Guiu kala soo wareegtay kooxda Barcelona iyaga oo bixiyay lacag 6 milyan ah oo lagu bur-burinayo heshiiskiisa.

Marc Guiu ayaa qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu kula joogayo kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.

Michael Olise -> Bayern Munich:

Kooxda Bayern Munich ayaa ku guulaystay saxiixa xiddiga Michael Olise.

Bayern Munich ayaa heshiis buuxa kala gaadhay Crystal Palace saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara.

Bayern ayaa xiddiga Michael Olise ka saxiixatay heshiis ilaa sanadka 2029 ah si uu u joogo kooxda.

Enzo Maresca -> Chelsea:

Kooxda Chelsea ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa tababare Enzo Maresca

Kooxda Chelsea ayaa Enzo Maresca kala soo wareegtay kooxda Leicester City.

Enzo Maresca ayaa Leicester City ku soo celiyay premier League xilli ciyaareedka kadib shaqo fiican oo uu qabtay.

Mbappe -> Real Madrid:

Kooxda Real Madrid ayaa dhamaystirtay Saxiixiisa Kylian Mbappe sida uu sheegay saxafiga Fabrizio Romano.

Real Madrid ayaa ugu dambayn gacanta ku Dhigtay Xiddiga reer France.

Tosin Adarabioyo -> Chelsea

Kooxda Chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa daafaca dhexe ee Tosin Adarabioyo sida uu xaqiijiyay Fabrizio Romano.

Tosin Adarabioyo ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Chelsea suuqa kala iibsiga xagaaga.

Tosin Adarabioyo ayaa ugu biiraya Blues qaab xor ah kadib markii uu dhamaaday heshiiskiisa Fulham.

Vincent Kompany -> Bayern Munich:

Kooxda Bayern Munich ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay tababare cusub ka dhigatay Vincent Kompany.

Vincent Kompany ayaa badalay Tuchel oo isaga tagay shaqada tababaranimo ee kooxda Bayern Munich kadib dhamaadkii Xilli ciyaareedka.

Kompany ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2027 ah waxana uu kooxda hogaamin doonaa bilowga xilli ciyaareedkan.

Arne Slot -> Liverpool:

Slot ayaa badalay Jurgen Klopp waxana ay Reds ka bixisay lacag han 13 milyan oo euro isaga Iyo caawiyayaashiisa.

Hansi Flick -> Barcelona:

Flick ayaa Barcelona ka badalaya Xavi waxana uu doonayaa in uu dib u dhiso kooxda Barcelona xilli ciyaareedka dambe.

Thiago Silva -> Fluminense

Kooxda Fluminense ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Thiago Silva.

Silva ayaa qaab xor ah ugu biiray kooxda Fluminense isaga oo Blues ka tagaya marka uu dhamaado heshiiskiisa kooxda Chelsea.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga