Waxaa soo dhammaaday wareegii koowaad ee Koobka Adduunka 2026, kaddib maalmo ay ka buuxeen xiiso, ciyaaro heer sare ah iyo natiijooyin lama filaan ah, kuwaas oo bixiyay sawirkii ugu horreeyay ee awoodda xulalka ka qaybgalaya tartanka isla markaana muujiyay yaababka ugu horreeya ee loollanka u soo bixitaanka wareegyada dambe.
Wareegga furitaanka waxa uu arkay bandhigyo xooggan oo ay sameeyeen qaar ka mid ah xulalka loo saadaalinayay inay si fiican uga soo muuqdaan tartanka. Xulka Jarmalka ayaa gaaray guushii ugu weynayd ilaa hadda, kadib markii uu 7-1 ku xasuuqay Curaçao, isaga oo fariin adag u diray dhammaan tartamayaashiisa.
Xulka Ingiriiska ayaa bilaabay ololihiisa guul xiiso leh oo 4-2 ah oo uu ka gaaray Croatia, halka Norway ay si xooggan isu muujisay kadib markii ay 4-1 ku garaacday Ciraaq. Sidoo kale Argentina ayaa 3-0 kaga adkaatay Algeria, halka Faransiiska uu 3-1 ku dhaafay Senegal.
Dhanka kale, xulalka Carabta ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed kala duwan. Morocco ayaa natiijo weyn ka heshay Brazil iyadoo barbaro 1-1 ah la gashay. Masarna waxay dhibic muhiim ah ka heshay Belgium kadib barbaro 1-1 ah. Sidoo kale Sacuudiga ayaa Uruguay ku qabtay barbaro 1-1 ah.
Si kastaba ha ahaatee, Algeria ayaa guuldarro culus kala kulantay Argentina oo ku garaacday 3-0, halka normay ay 4-1 uga badisay ciraaq. Tunisia ayaa guuldaro 5-1 ku kala Kulantay Sweden, halka Jordan ay tartanka ku bilaabatay guuldarro 3-1 ah oo ka soo gaartay Austria.
Wareeggan waxa kale oo lagu arkay barbarooyin dhowr ah oo muhiim ahaa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Portugal iyo xulka DR Congo oo 1-1 isku dhaafi waayay, Spain iyo Cape Verde oo 0-0 ku kala baxay, Netherlands iyo Japan oo 2-2 ku dhammaaday, iyo Iran iyo New Zealand oo sidoo kale 2-2 ku kala baxay. Intaa waxaa dheer, Qatar iyo Switzerland ayaa 1-1 isku mari waayay, halka Canada iyo Bosnia ay iyaguna barbaro 1-1 ah galeen.
Natiijooyinka kale, Mareykanka ayaa 4-1 ku garaacay Paraguay, Mexico waxay 2-0 ku dubatay Koonfur Afrika, Australia ayaa 2-0 uga adkaatay Turkey, Scotland-na waxay guul nadiif ah ka gaartay Haiti. Colombia ayaa 3-1 ku garaacday Uzbekistan, Ghana ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay kaga badisay Panama, Ivory Coast ayaa 1-0 ku dhaaftay Ecuador, halka Koonfur Kuuriya ay 2-1 kaga adkaatay Czech Republic.
Markii uu soo dhammaaday wareegga koowaad, tartanku wuxuu u muuqdaa mid wali u furan dhammaan suurtagalnimada, iyadoo la sugayo wareegga labaad ee kulamada oo laga yaabo inuu si hore u caddeeyo mustaqbalka qaar ka mid ah xulalka, halka kuwa kale uu siin karo fursad ay ku saxaan bilowgoodii liitay ee koobkan oo ah kii ugu weynaa taariikhda Koobka Adduunka.
Be the first to comment