DEG-DEG: Liverpool Oo Dalab Ka Gudbisay Xiddiga Wacdaro Ka Dhigaya Koobka Adduunka.

Liverpool ayaa si rasmi ah u gudbisay dalabkii ugu horreeyay ee ay ku doonayso Yan Diomande, kaas oo dhan €100 milyan (€90 milyan oo lacag go’an ah iyo €10 milyan oo gunnooyin ah).

Si kastaba ha ahaatee, kooxda RB Leipzig ayaa la filayaa inay diido dalabkaas. Mawqifka Leipzig waa mid cad: diyaar uma aha inay Yan Diomande ku iibiso €100 milyan, ha noqoto Liverpool ama Paris Saint-Germain.

Maamulka Leipzig waxay doonayaan inay sii haystaan ciyaaryahanka, mushaharkiisana kor u qaadaan, isla markaana u kordhiyaan heshiiskiisa cusub iyagoo ku daraya

Haddii aan heshiis cusub la gaarin, Leipzig waxay dalban doontaa lacag aad uga badan €100 milyan si ay u beddesho go’aankeeda ugana oggolaato inuu baxo.

Tani waxay muujinaysaa in Leipzig ay u aragto Diomande mid ka mid ah ciyaartoydeeda ugu muhiimsan, isla markaana aysan doonayn inay si fudud u iibiso xagaagan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga