WARBIXIN: Klopp, Xavi, Tuchel & Tababarayaasha La Caydhiyay Ama Is Casilay Xilli Ciyaareedkan.

Inaad noqoto tababare kubbadda cagta maaha doorashada xirfadda ugu fiican haddii aad rabto badbaado shaqo.

Runtii, tababarayaasha kubbadda cagta si joogto ah ayaa loo ceyriyaa iyadoo kooxuhu isku dayaan in ay guulo gaadhaan.

Horyaalada ugu waa wayn Yurub iyo kuwa kaleba, tababarayaasha waa la caydhiyaa ama iyaga ayaa is casila waliba si joogto ah xilli ciyaareedka iyada oo tababarayaashu sii yaraanayaan sanadba sanadka ka dambeeya.

Dhab ahaantii, tababaraha iga ee la eryi doono ayaa ah qayb muhiim ah oo ka mid ah wararka suuqa kala iibsiga kubbadda cagta, maadaama saamaynta isbeddelka maamuleed ay inta badan samayn karto farqi weyn oo gudaha iyo dibadda ahba.

Xilli ciyaareedka 2023-24 waxa uu hadda galayaa bisha February iyadoo Premier League, La Liga, Serie A, Bundesliga iyo Ligue 1 ay dhamaantood la kulmeen cayrin ama is-casilaado badan.

Xilli ciyaareedkii hore waxaa jiray tiro aan horay loo arag oo tababarayaal ah oo ka tagay shaqadooda horyaalada England, Spain, Italy, Germany iyo France. Si la mid ah ma noqon doontaa dhamaadka 2023-24?

Tababaraha Kooxda Wakhtiga
Quique Setien Villarreal September 5
Vicente Moreno Almeria September 29
Jose Luis Mendilibar Sevilla October 8
Pacheta Villarreal November 10
Paco Lopez Granada November 26
Diego Alonso Sevilla December 16
Sergio Gonzalez Cadiz January 20
Francisco Rodriguez Rayo Vallecano February 13
Xavi Barcelona June 30

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga