Pep Guardiola Oo Sharaxay Sababta Uu U Badalay Kevin De Bruyne

Tabbaraha Man City ee Pep Guardiola ayaa daaha ka qaaday sababta uu Kevin De Bruyne u badalay kulankii Liverpool halka uu sidoo kale sheegay in uu ku faraxsan yahay fal celinta xiddiga.

Kubadsameeyaha reer Belgian, oo 32 jir ah, ayaa ku bilowday kulanka adag ee premier League taas oo ku dhamaaday bar-baro 1/1 ah.

Xiddiga De Bruyne ayaa caawiyay goolka kaliya ee ay Man City dhalisay kooxda Man City waxana uu sii waday qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu ku jiray.

Laakiin xiddiga ayaa la badalay qaybtii dambe ee ciyaarta taas oo ka xanaajisay xiddiga iyada oo la arkay fal celin xanaaq ah oo uu ka muujiyay badalka lagu sameeyay.

Guardiola ayaa yiri: “Waan ku faraxsanahay inaan arko taas. Waan jeclahay haddii uu xanaaqsan yahay, way fiican tahay. Hadda wuu faraxsan yahay”.

“Waan garanayay waxa naga maqan, waxa aanu tabnay in aan kubada ilaalino. Kadib (wuu baxay) si fiican ayaan u ciyaarnay laakiin waxa aan kuu sheegi karo ayaa ah in uu De Bruyne muhiim noo yahay”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga