Jurgen Klopp: 100% Rikoodhe Ayay Ahayd

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in kooxdiisu ay ahayd in “100%” rigoore loo dhigo daqiiqadii ugu dambeysay kulankii ay barbaraha 1-1 ah kula galeen Manchester City garoonka Anfield.

Labada kooxood ayaa lumiyay fursad ay hogaanka ugu qaban lahaayeen horyaalka premier League iyada oo Guardiola iyo Klopp soo afjareen xafiiltan muddo ka dhexeeyay.

Goolal ay kala dhaliyeen John Stones iyo Alexis Mac Allister ayaa keentay in ay labada kooxood ku heshiiyaan dhibcaha kulanka iyada oo Liverpool ahayd kooxda awooda badan qaybta dambe ee ciyaarta.

Liverpool ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta laga diiday rikoodhe kadib markii xiddiga Jeremy Doku khalad ku galay xiddiga khadka dhexe ee Mac Allister.

Klopp ayaa si buuxda ula hadlay garsoorayaasha garoonka si uu ugala hadlo dhacdada, isagoo la hadlayay BBC Match of the Day ayuu Tababaraha reer Germany yidhi””100%” waxa laga dhigayaa khalad meelaha kale ee garoonka”.

“Waxay ahayd rigoore 100%, waxay heli doonaan sharaxaad, waxay ahayd 100% qalad dhammaan qaybaha garoonka”ayuu Klopp yidhi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga