WARBIXIN: Jadon Sancho Oo Man United Ka Hor Istaagi Kara Champions League Xilli Ciyaareedka Dambe, Sabab.

Jadon Sancho ayaa laga yaabaa inuu si badheedh ah kooxdiisa Man United uga reebo champions League xilli ciyaareedka dambe ka dib markii uu guul ku hogaamiyay Dortmund.

Sancho ayaa haatan amaah ugu jooga Dortmund isaga oo kaga soo biiray United ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii ay isku dhaceen Tababare Erik Ten Hag.

Khilaafkaas ayaa la macno ahaa in xiddiga garabka ka ciyaara ee England aanu la ciyaarin ama aanu tababar la samayn kooxda kowaad ee United muddo lix bilood ah intii u dhaxaysay Sebtember iyo January, waxaana uu si ku meel gaadh ah ugu soo laabtay kooxdiisii ​​hore.

Xiddiga 23 jirka ah ayay dhawr kulan ku qaadatay in uu dib u helo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa waxana uu muujinaya in uu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican booskiisa.

Ka dib barbaro 1-1 ah oo ay la galeen PSV lugtii hore ee wareega 16ka Champions League, Sancho ayaa hogaanka u dhiibay Dortmund lugtii labaad ee ka dhacday Signal Iduna Park.

Dortmund ayaa hadda u gudbtay wareega 8da Champions League markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedka 2020/21.

Qaab ciyaareedka Sancho shaki la’aan ayaa door muhiim ah ka ciyaartay guushaas – waxaana laga yaabaa in ay dhibaato ku nqooto kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedka.

Kooxda Erik ten Hag ayaa wali dooneysa inay ku dhameysato shanta kooxood ee ugu sareysa Premier League, taasoo laga yaabo inay ku filnaato u soo bixida Champions League xilli ciyaareedka soo socda. Waxay hadda ku jiraan booska lixaad.

Qaabka hadda jira, kaliya afar kooxood oo Premier League ah ayaa u soo bixi kara tartanka ugu sarreeya qaaradaha Yurub.

Laakiin marka qaabka cusub uu kordhiyo tirada kooxaha oo laga dhigayo 36 kooxood xilli ciyaareedka soo socda, laba kooxood oo kale ayaa u soo bixi kara iyadoo lagu saleynayo qiimaynta horyaalada.

Haddii aan taas si fudud u dhigno, labada waddan ee kooxahooda maxaliga ahi ay qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigaan tartanka Yurub xilli ciyaareedkan ayaa heli doona boos dheeri ah.

England ayaa haatanba hal lug kala baxday qiimaynta marka la eego in United iyo Newcastle lagu reebay wareegyada hore ee tartanka champions League.

Haatan England ayaa ku jirta kaalinta 3-aad ee qiimaynta iyaga oo dambeeya Kooxaha Italy iyo Germany.

Sidaas darteed Qaab ciyaareedkii Sancho ayaa sii xoojiyay booska England ee kaalinta 2-aad iyaga oo 0.625 dhibcood ka horeeya England.

United, sidaas darteed, waxay u baahan tahay inay ku tiirsanaato Kooxaha Manchester City, Liverpool iyo Arsenal si ay gacan uga geystaan ​​​​xaqiijinta kaalinta labaad – iyo, dabcan, inay ku dhameystaan ​​kaalinta shanaad ee Premier League laftooda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga