Xiddiga reer Argentina Lionel Messi ayaa bandhig cajiib ah ka dhigay horyaalka Mareykanka ee MLS, isagoo hal kulan ku dhaliyay afar gool, isla markaana sii xoojiyay hoggaankiisa gooldhalinta, Messi ayaa goolka koowaad dhaliyay daqiiqaddii 40-aad, kaddib laad xor ah oo kubaddu ay ciyaaryahan kale ku dhacday, taasoo keentay inay jihada beddesho oo ay shabaqa gasho.
Daqiiqaddii 52-aad, Messi ayaa mar kale dhaliyay kaddib orod shaqsiyeed oo qurux badan, markii uu hore u caawiyay saaxiibkiis Luis Suárez, Messi ayaa dhammeystiray saddexleyda isagoo kubadda si xeelad leh uga dul qaaday goolhayaha, iyadoo ay toddobo daqiiqo ka harsan yihiin waqtiga caadiga ah.
Laakiin xiddiga reer Argentina ayaa weli sii waday bandhiggiisa. Waqtigii dheeriga ahaa ayuu qaaday laad xor ah oo kale, isagoo kubadda si sax ah ugu leexiyay geeska goolka, wuxuuna sidaas ku dhaliyay goolkiisii afaraad.
Afarta gool ee Messi waxay ka dhigan yihiin markii 8-aad ee xirfaddiisa uu hal kulan ku dhaliyo afar gool ama ka badan, markii ugu dambeysay ee uu sidaas sameeyo waxay ahayd Febraayo 2020, xilli uu u ciyaarayay Barcelona, markaas oo uu afar gool ka dhaliyay Eibar.
Messi oo hadda jira 39 sano ayaa sidoo kale noqday ciyaaryahanka ugu dhaqsaha badan taariikhda MLS ee gaaraya 20 kulan oo uu laba gool ama ka badan dhaliyay, isagoo tiradaas ku gaaray 72 kulan oo keliya, 18 gool, 19 kulan Messi ayaa hoggaaminaya gooldhalinta MLS xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 18 gool 19 kulan, wuxuu laba gool ka sarreeyaa weeraryahanka FC Dallas Petar Musa,
Casemiro ayaa sheegay in joogitaanka Messi uu Inter Miami ka dhigay koox aad uga xoog badan “Waa inaan ku raaxaysannaa waqtiyadan, sababtoo ah Messi waa qof iyo ciyaaryahan taariikh sameeya,” ayuu yiri Casemiro.
Wuxuu intaas ku daray in Messi “weli yahay kan ugu fiican”, isagoo sheegay in xiddiga reer Argentina uu taas ku caddeeyay Koobkii Adduunka, tababaraha ku-meelgaarka ah Guillermo Hoyos, oo ciyaarta laga saaray, ayaa isna ku tilmaamay bandhigga Messi mid erayo lagu sifeyn karin.
Hoyos ayaa sheegay in Messi mar walba raadinayo goolka, baasaska iyo ciyaarta uu wax ka beddeli karo, isagoo xusay inaysan fududayn in Messi loo arko ciyaaryahan caadi ah, 39 jirkiisa, Messi wali wuu sii yaab gelinayaa MLS — afar gool hal kulan iy
Be the first to comment