Weeraryahanka Atlético Madrid iyo Argentina Julián Álvarez ayaa hadda u muuqda inuu ka fogaanayo u dhaqaaqista Arsenal, taasoo dhabar-jab weyn ku ah Mikel Arteta iyo qorshaha kooxda ee suuqa kala iibsiga.
Sida wararka maanta sheegayaan, Álvarez ayaa xiriir toos ah la yeeshay Mikel Arteta, waxaana loo sheegay Arsenal inuusan hadda doonayn inuu ku biiro kooxda London, Arsenal waxay diyaar u tahay inay Atlético Madrid kala heshiiso qiimaha ciyaaryahanka, balse go’aanka Álvarez ayaa ah caqabadda ugu weyn.
Álvarez ayaa weli doorbidaya Barcelona, inkastoo Atlético Madrid ay si adag u diiday inay ciyaaryahanka ka iibiso kooxda Catalan-ka, Atlético ayaa xitaa si cad u sheegtay inaysan doonayn inay wax wadaxaajood ah la gasho Barcelona.
Dhanka kale, xaaladda Álvarez ee Atlético Madrid ayaa sii xumaanaysa, Ciyaaryahanka ayaa tababar ka maqnaa maalmo, inkastoo uu dib ugu soo laabtay tababarka, haddana laguma darin kooxda kulanka Sevilla.
Waxaa sidoo kale soo baxay warar sheegaya in Manchester City ay danaynayso inay dib ugu soo celiso Etihad, taasoo ka dhigan in haddii Álvarez uu ka tago Atlético, Arsenal aysan ahayn kooxda keliya ee tartanka ku jirta.
Be the first to comment