RASMI:- Liverpool oo qaadatay Saxiixii 140 ka Milyan , Walee Liverpool waxba lagama qaban karo

Liverpool ayaa qaaday tallaabadii ugu weyneyd ee lagu soo afjarayo saxiixa Bradley Barcola, iyadoo Reds ay heshiis afka ah la gaartay Paris Saint-Germain si ay u keento garabka reer France, wararka degdegga ah ee maanta ayaa sheegaya in heshiiska hordhaca ah uu yahay £100 milyan, halka lacagaha ku xiran gunnooyinka iyo waxqabadka ay wadarta heshiiska gaarsiin karaan ku dhowaad €140 milyan.

Barcola ayaa muddo dheer ahaa bartilmaameedka koowaad ee Liverpool, waxaana wada-xaajoodyada labada kooxood ay socdeen toddobaadyo, iyadoo PSG markii hore ku qiimeysay ciyaaryahanka lacag aad uga badan tan hadda la isku afgartay, Liverpool ayaa markan ku guuleysatay inay hoos u dhigto qiimaha, iyadoo heshiiska hadda la sheegay inuu yahay £100 milyan oo lacag rasmi ah iyo lacag dheeraad ah oo ku xiran qodobo kala duwan.

Warbixinta ugu muhiimsan ayaa ah in dukumentiyada labada kooxood la is dhaafsan doono 24-ka saac ee soo socda, kadibna Barcola uu mari doono baaritaanka caafimaadka isla markaana uu saxiixi doono heshiis waqti dheer ah, shuruudaha shaqsiga ah ee ciyaaryahanka ayaa horey loo sheegay in Liverpool iyo Barcola ay isla meel dhigeen.

Haddii heshiiska la dhammeystiro, Barcola wuxuu noqonayaa mid ka mid ah saxiixyada ugu qaalisan taariikhda Liverpool, waxaana la filayaa inuu si weyn u xoojiyo weerarka kooxda. 23-jirkan ayaa awood u leh inuu ka ciyaaro garabka bidix iyo meelo kale oo weerarka ah, waxaana Liverpool u aragtaa inuu noqon karo xiddig muhiim ah oo weerarka kooxda hoggaamiya xilli ciyaareedyada soo socda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga