Foden, Rashford, Diaz, Lukaku, Arrizabalaga, Bremer, Branthwaite & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh.

Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Paris St-Germain ayaa diyaarinaysa dalab 80 milyan ah oo ay ku doonayso 26 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Manchester United ee Marcus Rashford waxayna diyaar u tahay in ay siiso 500,000 oo gini todobaadkii (Star).

PSG ayaa xiiso u qabta garabka Liverpool iyo Colombia ee Luis Diaz, oo 27 jir ah, si ay ugu bedelaan 25 jirka reer France Kylian Mbappe kaasoo qarka u saaran inuu ku biiro Real Madrid (El Pais).

Guddoomiyaha Chelsea Todd Boehly ayaa doonaya inuu iska iibiyo 30-jirka weerarka uga ciyaara Belgium Romelu Lukaku, kaasoo amaah kula jooga Roma iyo 29-jirka reer Spain ee Kepa Arrizabalaga, kaasoo amaah ku jooga Real Madrid, kana iibiyaan kooxaha Saudi Pro League xagaaga (Talksport).

Manchester United ayaa mudnaanta koowaad ka dhigtay saxiixa daafac dhexe, iyadoo daafaca Juventus iyo Brazil Gleison Bremer, oo 26 jir ah uu ku jiro liiska sidoo kale xiddiga kooxda Everton Jarrad Branthwaite (i).

Barcelona ayaa ka fiirsan doonta iibinta 25 jirka daafaca uga ciyaara xulka qaranka Uruguay ee Ronald Araujo kaas oo lala xiriirinayo kooxda Bayern Munich hadii ay hesho lacag dhan 100 milyan oo euros (ESPN).

Madaxa fulinta Inter Milan Giuseppe Marotta ayaa rajaynaya 26 jirka weerarka uga ciyaara xulka qaranka Argentina ee Lautaro Martinez in uu qandaraaska u kordhiyo (Gazzetta dello Sport).

Arsenal ayaa ka shaqeyneysa musharka ay u soo bandhigayso xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Sociedad ee artin Zubimendi, 25, ka hor inta uusan u dhaqaaqin xagaaga (Football Transfers).

Kooxda chelsea ayaa heli doonta lacag fiican hadii ay Bayern Munich 80 milyan ku iibiso xiddiga Jamal Musiala oo lala xidhiidhinayo Man City Iyo Liverpool (Mail).

Manchester United iyo Chelsea ayaa labaduba ‘aad iyo aad u xiiseynaya’ saxiixa daafaca Barcelona Jules Kounde iyada oo kooxda Barcelona diyaar u tahay in ay iska iibiso daafaca dhexe (sport).

Barcelona ayaa doonaysay in ay keento Luis Diaz laakiin Liverpool ayaa mar kale xaqiijisay in aanu iib ahayn garabka reer Colombia (Mirror).

Arsenal ayaa bartilmaameedka 1-aad ka dhigatay weeraryahanka Viktor Gyokeres kaas oo heshiiskiisa Sporting Lisbon lagu bur-burinayo 85 milyan (Football Transfer).

Kooxda Man City ayaa joojisay wadahadaladii ay heshiiska cusub kaga saxiixanayso xiddiga Phil Foden (Football Insider).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga