Julián Álvarez ayaa sii kordhiyay shakiga ku saabsan mustaqbalkiisa, iyadoo ay maalmo kooban ka harsan yihiin xiritaanka suuqa kala iibsiga xagaaga.
Sida ay qortay Mundo Deportivo, weeraryahanka reer Argentina ayaa maalintii saddexaad oo xiriir ah ka maqnaa tababarka Atlético Madrid, Atlético Madrid waxay sheegtay in Álvarez uu la ildaran yahay xanuun caafimaad oo fudud, balse maqnaanshihiisa ayaa qaatay waqti ka dheer intii la filayay.
Taasi waxay keentay in su’aalo badan laga keeno xaaladdiisa, gaar ahaan xilli Barcelona ay weli xiisaynayso inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka, Waxaa sidoo kale la filayaa in Álvarez uu seego kulanka Sevilla, kaas oo lagu ciyaarayo garoonka Sánchez-Pizjuán, Álvarez ayaa lala xiriirinayaa FC Barcelona, waxaana wararku sheegayaan inuu doonayo inuu u dhaqaaqo kooxda Catalan-ka.
Laakiin Atlético Madrid ayaa si cad u sheegtay inaysan doonayn inay fududayso bixitaankiisa, iyadoo kooxda Madrid ay weli rajaynayso inuu sii joogo, wararka gudaha Atlético Madrid ayaa sheegaya in kooxda ay Álvarez ka doonayso jawaab ku saabsan mustaqbalkiisa ugu dambayn maanta oo Jimce ah.
Atlético waxay si adag u diiddan tahay fikradda ah in ciyaaryahanku ku biiro Barcelona, balse isla waqtigaas waxay u muuqataa inay diyaar u tahay inay dhageysato xal kale haddii xaaladdu is beddesho.
Be the first to comment