La Liga Oo Dacwad Rasmi Ah Ka Gudbisay Barcelona Kadib Falal Ka Dhacay Camp Nou

La Liga ayaa si rasmi ah dacwad uga gudbisay Barcelona, kaddib dhacdooyin ka dhacay kulankii ay kooxda Catalanka 2-0 kaga adkaatay Athletic Bilbao ee horyaalka La Liga.

Sida ay warisay warbaahinta Isbaanishka, maamulka horyaalka ayaa warbixintiisa ku diiwaangeliyay shan dhacdo oo dhacay intii uu socday kulanka, kuwaas oo loo gudbiyay Guddiga Tartamada iyo Guddiga La-dagaallanka Rabshadaha ee xiriirka kubadda cagta Spain si loo baaro.

Warbixinta ayaa sheegtay in taageerayaal ka tirsan qaybta koonfureed ee garoonka ay ku dhawaaqeen erayo aflagaado ah oo ka dhan ah Spain iyo xulka qaranka Spain, iyadoo qeylo-dhaantaas la maqlay kahor bilowga ciyaarta iyo mar kale daqiiqaddii 19-aad.

Sidoo kale:

Daqiiqaddii 56-aad waxaa la maqlay qaylo lagu aflagaadeynayay qof ama koox.
Daqiiqaddii 92-aad waxaa la sheegay in taageerayaal ay ku dhawaaqeen erayo ka dhan ah booliska qaranka Spain.
Dhamaadka ciyaarta waxaa sidoo kale la sheegay inay jireen heeso ka dhan ah Atlético Madrid.

Hadda, labada guddi ee loo gudbiyay dacwadda ayaa qiimeyn doona dhacdooyinkan si ay u go’aamiyaan in Barcelona ama cid kale ay mudan tahay in lagu soo rogo wax ganaax ama tallaabo anshaxeed.

Barcelona ayaa kulankaas ku badisay 2-0, balse guushaas waxaa hadheeyay dacwadda cusub ee ay gudbisay maamulka La Liga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga