Tababaraha Real Madrid, José Mourinho, ayaa si weyn u amaanay kooxdiisa iyo gaar ahaan Kylian Mbappé, kadib markii Real Madrid ay 4–1 kaga adkaatay Real Sociedad kulan ka tirsanaa La Liga, Mbappé ayaa ahaa xiddigii ugu cajiibsanaa ciyaarta, isagoo dhaliyay 3 gool (hat-trick), taasoo door weyn ka qaadatay guusha Real Madrid.
Mourinho ayaa sheegay in waxa Mbappé sameeyay ay ahaayeen wax aad u cajiib ah, isagoo tilmaamay tayada sare ee xiddiga reer France waxa uu yiri :- “Waxa Mbappé sameeyay waxay ahayd wax cajiib ah, Wuxuu leeyahay tayo aad u sarreysa.”
Mourinho wuxuu qiray in Real Sociedad ay Real Madrid ku abuurtay dhibaatooyin badan, gaar ahaan qeybtii hore ee ciyaarta, Wuxuu sheegay in kooxdiisu ay ku adkaatay inay cadaadis saarto Sociedad, taasoo ciyaartoyda Real Madrid ka dhigtay kuwo aan raaxo badan dareemin, si kastaba Mourinho wuxuu ku faraxsanaa sida ay kooxdiisu uga falcelisay qeybtii labaad, isagoo sheegay inay noqdeen kuwo aad u xoog badan isla markaana ciyaarta si fiican u maamulay.
Markii uu arkay kooxdu inay dhib ku jirto, Mbappé wuxuu dib ugu soo laabtay qeybta dambe si uu u caawiyo difaaca, wuxuuna sidoo kale isku xiray Vinícius Júnior iyo Jude Bellingham, tababaraha reer Portugal ayaa sheegay in awoodda gooldhalinta iyo hal-abuurka Mbappé ay yihiin wax aan caadi ahayn.
Mourinho ayaa sidoo kale ku amaanay ciyaartoydiisa inay u ciyaareen sidii hal koox oo mideysan, wuxuu sheegay in difaaca, khadka dhexe iyo weerarkuba ay si wanaagsan u shaqeeyeen, isla markaana Real Madrid ay fursad u heshay inay xitaa goolal ka badan dhaliso.
Kulankan wuxuu Mourinho u ahaa mid gaar ah, maadaama uu markii ugu horreysay muddo 13 sano ah dib ugu soo laabtay garoonka Santiago Bernabéu isagoo tababare Real Madrid ah, wuxuu sheegay in dareenka uu helay uu ka qurux badnaa sidii uu filayay, isagoo ku tilmaamay guusha Bernabéu inay tahay dareen cajiib ah.
Mourinho wuxuu sidoo kale sheegay inuu ku raaxaystay shaqada iyo inuu haysto ciyaartoy heer sare ah oo ka dhigay waqtigiisa Real Madrid mid uu ku farxo, Guusha 4–1 ah waxay Real Madrid siisay 3 dhibcood, iyadoo Mourinho uu helay bilow wanaagsan oo uu ku soo laabtay kursiga tababarka kooxda, haddii Mbappé uu sii wado qaab ciyaareedkan, Real Madrid waxay yeelan kartaa weerar aad u khatar badan xilli ciyaareedkan.
Be the first to comment