Halyeeyga Manchester United, Patrice Evra, ayaa si caro leh uga falceliyay kaftan uu sameeyay taageere Arsenal ah intii uu socday barnaamijkiisa tooska ah, Evra, oo Manchester United u ciyaaray in ka badan siddeed xilli ciyaareed, ayaa weli si weyn u taageera kooxdiisii hore, xitaa kaddib markii uu ciyaaraha ka fariistay.
Taageeraha Arsenal ayaa Evra u keenay funaanad Manchester United ah, balse dhabarka funaanadda waxaa lagu qoray “NETFLIX FC”, taas oo ahayd kaftan lagu maadeysto United.
Evra ayaa yiri:“Tani waa xushmad-darro weyn, Ma ixtiraami kartid kooxda qofka sidaas, Waxaan rabaa inaan hadda joojiyo stream-ka.”
Falcelinta Evra ayaa baraha bulshada ka dhalisay hadal-heyn, iyadoo taageerayaasha kubadda cagtu ay ka doodayaan sida uu halyeeyga United uga falceliyay kaftanka taageeraha Arsenal.
Evra ayaa caan ku ah inuu si joogto ah u difaaco Manchester United, xitaa marar hore ayuu jawaab adag ka bixiyay dhaleeceyn loo jeediyay kooxdiisii hore.
Halyeeyga Manchester United, Patrice Evra, ayaa si caro leh uga falceliyay kaftan uu sameeyay taageere Arsenal ah intii uu socday barnaamijkiisa tooska ah.
Evra, oo Manchester United u ciyaaray in ka badan siddeed xilli ciyaareed, ayaa weli si weyn u taageera kooxdiisii hore, xitaa kaddib markii uu ciyaaraha ka fariistay.
Taageeraha Arsenal ayaa Evra u keenay funaanad Manchester United ah, balse dhabarka funaanadda waxaa lagu qoray “NETFLIX FC”, taas oo ahayd kaftan lagu maadeysto United.
Evra arrintaas kuma qoslin, wuxuuna u arkay xushmad-darro loo geystay kooxdiisa.
Evra ayaa yiri: “Tani waa xushmad-darro weyn. Ma ixtiraami kartid kooxda qofka sidaas. Waxaan rabaa inaan hadda joojiyo stream-ka.”
Falcelinta Evra ayaa baraha bulshada ka dhalisay hadal-heyn, iyadoo taageerayaasha kubadda cagtu ay ka doodayaan sida uu halyeeyga United uga falceliyay kaftanka taageeraha Arsenal.
Evra ayaa caan ku ah inuu si joogto ah u difaaco Manchester United, xitaa marar hore ayuu jawaab adag ka bixiyay dhaleeceyn loo jeediyay kooxdiisii hore.
🚨 Patrice Evra was NOT having it after a Fan gifted him a United shirt with “NETFLIX FC” on the back:
“This is massive disrespect. You can’t disrespect a person’s club like that. I want to end the stream now.” 😳
Retired since 2017 and he still defends this badge! pic.twitter.com/bR81TxPKam
— Snook (@utdsnook) August 27, 2026
Be the first to comment