Atlético Madrid ayaa si rasmi ah u shaacisay in Julián Álvarez uusan kooxda ka tagi doonin, isla markaana aysan wax wada-hadal ah la geli doonin Barcelona oo ku aaddan saxiixa weeraryahanka reer Argentina.
Guddiga maamulka Atlético Madrid ayaa si aqlabiyad la’aan ah, si wadajir ah u taageeray go’aanka kooxda ee ah in aan laga gorgortamin iibka Álvarez, Atlético ayaa caddeysay in ay diyaar u tahay wada-hadallada suuqa kala iibsiga, balse ay doonayso in dhammaan heshiisyadu ku dhacaan hab anshax leh, xirfadeysan iyo ixtiraam u dhexeeya kooxaha.
Kooxda Madrid ayaa sheegtay in Barcelona aysan buuxin shuruudihii ay u aragtay inay lagama maarmaan u yihiin wada-hadal rasmi ah. Sidaas darteed, Atlético waxay caddeysay in aysan jirin wax wada-hadal ah oo dhexmaray labada kooxood, isla markaana aysan jiri doonin wada-hadal mustaqbalka ah oo ku saabsan Julián Álvarez, Go’aankan ayaa si weyn u dhaawacaya rajadii Barcelona ee ahayd inay xagaagan la soo wareegto Álvarez, kaas oo ay kooxda Catalan-ka u aragtay mid ka mid ah bartilmaameedyadeeda ugu muhiimsan.
Atlético Madrid waxay sidoo kale sheegtay inay ku kalsoon tahay in Julián Álvarez uu fahmi doono go’aanka kooxda, isla markaana uu diiradda saari doono shaqadiisa iyo sidii uu Atlético uga caawin lahaa inay gaarto ujeeddooyinkeeda. Kooxdu waxay xustay in Álvarez uu sidaas sameeyay labadii xilli ciyaareed ee uu difaacayay midabbada Atlético.
Be the first to comment