Halyeeyadii Manchester United oo isku khilaafay hal arin oo muhiim ah oo……….

Wayne Rooney ayaa si cad u diiday soo jeedin uu Michael Owen ka sameeyay mustaqbalka wiilkiisa Kai Rooney, kaasoo ka tirsan akadeemiyada Manchester United, labadii xiddigood ee hore ee England iyo Manchester United ayaa ka hadlayay waayo-aragnimadooda ku aaddan inay yihiin aabbayaal carruur kubadda cagta ciyaarta, Owen ayaa Rooney weydiiyay haddii uu noqon karo wakiilka wiilkiisa, balse Rooney ayaa isagoo qoslaya ku jawaabay: “Maya, maya.”

Kai Rooney, oo 16 jir ah, ayaa Manchester United ku biiray isagoo 11 jir ah, waxaana uu hadda saxiixay heshiis scholarship ah oo uu kooxda kaga sii mid ahaanayo, Rooney ayaa doonaya in wiilkiisu uu isagu dhisto mustaqbalkiisa, isaga oo aan aabihiis si toos ah ugu dhex milmin go’aannada xirfaddiisa.

Kai sidoo kale wuxuu horey ula saxiixday Triple S Sports Management, oo ah shirkaddii wakiilka u ahayd Wayne Rooney, taasoo ka dhigan in uusan u baahnayn aabihiis inuu noqdo wakiilkiisa.

Rooney ayaa hore u sheegay inuu ku kalsoon yahay tababarayaasha Manchester United, isaga oo diiradda saaraya maskaxda, horumarka iyo farxadda Kai, halkii uu cadaadis dheeraad ah saari lahaa, dhanka kale, Michael Owen ayaa barnaamijkiisa cusub Meet the Owens kaga hadlay waayo-aragnimadiisa aabbe kubadda cagta ah iyo caqabadihii uu la kulmay intii uu taageerayay wiilkiisa James.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga