Xiddiga reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa markale noqday geesiga Al-Nassr, kadib markii uu kooxda u horseeday guul 2-1 ah oo ay ka gaareen Al-Taawoun kulankii toddobaadka 4-aad ee horyaalka Saudi Pro League.
Al-Taawoun ayaa ciyaarta hoggaanka qabatay daqiiqaddii 11-aad, waxaana goolka u dhaliyay Bassam Al-Hurayji, Si kastaba, Al-Nassr ayaa barbaraha helay daqiiqaddii 45+5, waxaana u saxiixay Samu Costa, taasoo kooxda siisay dhiirrigelin ka hor qeybta labaad.
Qeybtii labaad ee ciyaarta, daqiiqaddii 50-aad, Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay goolka guusha, isagoo ka faa’iideystay kubbad uu soo tuuray Mohamed Simakan, isla markaana si qurux badan shabaqa ugu leexiyay.
Guushan ayaa noqotay tii afaraad oo xiriir ah ee Al-Nassr, taasoo kooxda ku sii adkeysay hoggaanka horyaalka iyadoo leh 12 dhibcood Dhanka kale, Al-Taawoun wuxuu ku haray 2 dhibcood, isagoo fadhiya kaalinta 15-aad.
Waxaa intaas dheer in Ronaldo uu dhigay rikoor cusub oo taariikhi ah, isagoo gaaray 104 gool oo horyaalka Sacuudiga ah u dhaliyay Al-Nassr, sidaas ayuu ku noqday gooldhaliyaha ugu taariikhda badan kooxda ee horyaalka, isagoo ka gudbay Mohammed Al-Sahlawi, oo horay u haystay rikoodhka 103 gool.
Be the first to comment