Tababaraha Liverpool Iraola oo ka carooday dib u dhaca beddelka ciyaartoyda, garsoore hore oo

Tababaraha Liverpool, Andoni Iraola, ayaa caro weyn ka muujiyay dhacdo ka dhacday kulankii ay Liverpool barbaraha 1-1 la gashay Nottingham Forest ee Anfield.

Iraola ayaa doonayay inuu ciyaarta kusoo daro Ryan Gravenberch, Kostas Tsimikas iyo Rio Ngumoha, balse beddelka ayaa dib u dhacay kadib cilad ku timid qalabka elektaroonigga ah ee uu isticmaalayay garsooraha afraad, Tim Robinson, Iraola ayaa sheegay in kubaddu dhowr jeer bannaanka u baxday, balse saddexda ciyaaryahan aysan weli awoodin inay garoonka soo galaan.

Intii beddelka la sugayay, Nottingham Forest ayaa si degdeg ah kubad uga soo tuurtay dhinaca, Neco Williams ayaa kubadda raacay, waxaana uu galay xerada ganaaxa Liverpool, goolhaye Alisson Becker ayaa markaas qalad ku galay Williams, waxaana garsoore Sam Barrott uu bixiyay rigoore.

Iraola ayaa sheegay in haddii beddelka waqtigiisii la sameyn lahaa, ciyaartu ay u badan tahay inay joogsato, taasoo laga yaabo inay ka hortagto dhacdada keentay rigoorada, garsoore hore oo Premier League ah, Graham Scott, ayaa sheegay in qalabka beddelka uu dhab ahaantii sababi karo dib u dhac.

Scott wuxuu sharaxay in lambarrada ciyaartoyda si gacanta ah loo geliyo, iyadoo qalabku mararka qaar hal lambar kaliya kor u qaadi karo. Sidaas darteed, gelinta lix lambar oo loogu talagalay saddexda ciyaaryahan ee baxaya iyo kuwa soo galaya waxay qaadan kartaa waqti, si kastaba, Scott wuxuu sidoo kale sheegay inuusan jirin caddeyn muujineysa in dib u dhacu dhab ahaantii qaatay saddex daqiiqo, sida Iraola sheegay.

Wuxuu xusay in ay suuragal tahay in tababaraha Liverpool uu waqtiga xoogaa buunbuuniyay si uu uga weeciyo dareenka qaladkii Alisson, Liverpool ayaa ciyaarta ku bilaabatay si liidata, waxaana Nottingham Forest hoggaanka u dhiibay Dan Ndoye qeybtii hore, Liverpool ayaa qeybtii labaad soo hagaagtay, iyadoo Alexander Isak uu barbareeyay daqiiqaddii 60-aad.

Ugu dambeyn, Victor Muñoz ayaa Liverpool u dhaliyay goolka barbaraha daqiiqaddii 82-aad, isagoo kulankiisii ugu horreeyay u saftay kooxda.

Iraola ayaa qirtay inuu ka niyad-jabsan yahay natiijada, gaar ahaan maadaama Liverpool ay gurigeeda ku ciyaareysay, wuxuuna sheegay in qeybtii hore kooxdiisu aysan lahayn xawaare, xoog iyo xakameyn ku filan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga