Goormaa Liverpool usoo laaban doonaa Weeraryahankooda Hugo Ekitike & xogo xasaasi ah ………..

Weeraryahanka Liverpool ee Hugo Ekitike ayaa bartilmaameedsanaya inuu garoomada kusoo laabto maalinta Boxing Day-ga, 26-ka December, sida uu qoray wargeyska Liverpool Echo.

Xiddiga reer France ayaa dhaawac ka soo gaaray seedda hoose ee lugta bishii April, xilli Liverpool ay Anfield kula ciyaareysay Paris Saint-Germain tartanka Champions League,tan iyo markii uu dhaawaca soo gaaray, Ekitike wuxuu ku jiray wadadii soo kabashada, waxaana la filayaa inuu qaato waqti ku filan oo uu si buuxda ugu diyaar garoobo ciyaaraha.

Si kastaba ha ahaatee, taariikhda saxda ah ee uu garoomada kusoo laabanayo weli lama xaqiijin, waxaana muhiimadda koowaad la siinayaa caafimaadkiisa iyo inuu si buuxda uga soo kabto dhaawaca, Liverpool ayaa sidoo kale qorsheynaysa in Ekitike uu helo waqti dheeraad ah oo uu ku soo kabsado inta lagu jiro xilliga fasaxa, si aan loogu degdegin soo laabashadiisa.

Haddii qorshuhu sidii la filayay u socdaalo, taageerayaasha Liverpool waxay rajo ka qabaan inay Hugo Ekitike dib ugu arkaan garoonka Boxing Day-ga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga