WARBIXIN: Bruno, Salah, De Bruyne & 5 Xiddig Oo Ay Kooxaha Sucuudigu Baanka U Jabin Doonaan Xagaaga.

Kaliya horyaalka premier League ka badiyay kooxaha sucuudiga dhinaca suuqa xagaagii iyada oo ay xiddigo badan mareen wadadii Cristiano Ronaldo.

Xiddiga ku guulaystay koobka adduunka ee N’Golo Kante, xiddiga ku guulaystay Ballon d’Or-ka Karim Benzema iyo Neymar ayaa ka mid ahaa xiddigihii ugu waa weynaa ee Yurub ka tagay kuna biiray horyaalka sucuudiga.

Si kasta ha ahaatee horyaalka sucuudiga ayaan halkaas ku joogsan doonin waxana ay raadinayaan in ay xiddigo kale kaleenaan horyaalka.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa xiddigaha kale ee laga yaabo in ay u dhaqaqaan horyaalka sucuudiga.

1.Romelu Lukaku – Chelsea

Roma ma haysato wax fursad ah oo ay si joogto ah ula soo saxiixato Romelu Lukaku marka uu dhamaado xilli ciyaareedka amaahda ah ee uu ku joogo dhamaadka xilli ciyaareedkan marka loo eego baaxadda dhaqaalaha ee lagu iibinayo xiddiga.

Sidaas darteed xiddiga 30 jirka ah ayaa laga yaabaa in ay uu u dhaqaaqo horyaalka sucuudiga.

2.Bruno Fernandes – Manchester United:

Bruno ayaa bartilmaameed u noqday horyaalka sucuudiga bishii November iyada oo xiddiga 29 jirka ah heshiiskiisa dhacayo 2026 waxana laga yaabaa in uu ka fiirsado u dhaqaaqista horyaalka sucuudiga.

3.Kevin de Bruyne – Manchester City:

Kooxaha sucuudiga ayaa diyaarinaya dalab ka badan 100 milyan si ay ugu dhaqaaqaan xiddiga 32 jirka ah marka la gaadho suuqa xagagaa.

4.Raphinha – Barcelona:

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Sport ayaa sheegaya in Barcelona ay isku diyaarinayso dalab “dawakhsan” oo ka badan 80 milyan oo ay kooxaha sucuudigu ku doonayaan xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Brazil.

5.Mohamed Salah – Liverpool:

Liverpool ayaa diiday dalab 150 milyan oo euro oo ay kooxda Al-Ittihad ku doonaysay Salah xagaagii laakiin kooxaha sucuudiga ayaa la filayaa in ay xiddiga reer Masar mar kale ku soo laabtaan.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga